Mucaaridka Somaliland Oo Idaacad Gaar Ah Samaystay, Xukuumadda Oo Sas Ka Qaadday iyo Xuuraan Badan Oo Suuqyada La Geliyey
Hargeysa:13-March-2014(SDN)-Axsaabta Mucaaridka Somaliland ayaa la sheegayaa inay dhammeeyeen Qorshe ay dalka kaga Hirgelinayaa Idaacad Ballaadhan oo Somaliland laga Dhegaysan doono, taas oo ay Arrimahooda ku fushan Doonaan.
Idaacaddan oo aan Saldhigoodu Somaliland Noqon doonin, ayaa la sheegayaa in qorshaheedu muddo dheer soo Socday, waxana Haatan lagu gudo jiraa Sidii loo diyaarin lahaa Wariyayaashii Hawshaas dalka Gudihiisa ka wadi lahaa.
Idaacadda ay Axsaabta mucaaridka Dhawaan Hirgelin doonaan, ayaa la sheegayaa inay la mid tahay middi Horyaal ee Xisbiga Kulmiye Isticmaali jirey ka hor intii aanu talada Dalka qabsanin.
Wararka hoose ee Qurbjoog Helayso, ayaa sheegaya in Xarunta idaacaddu noqon doonto Waddan ka mid ah Dalalka Yurub, waxana Wararkeeda lagu diiyaarin doonaan Gudaha Somaliland.
Wariyayaal Caan ah ayaa la sheegayaa inay idaacaddan ka hawl geli doonaan, waxana Haatan lagu Gudo jiraa sidii loo xulan lahaa Cidda sida Rasmiga ah u maamuli doonta Idaacadda iyo cidda ka shaqayn doontaba.
Xukuumadda ayaa iyadu warkan markii ay maqashay si weyn u bilowday Xuuraanka iyo Dabagalka Wararkan, waxana ay ku hawlan tahay sidii ay wax badan uga Ogaan lahayd idaacaddan iyo Goobaha rasmiga ah ee warfidiyeenada loo dooran doonaa ay Degi doonaan.
Somaliland Guud ahaan lagama Ogolla idaacadaha, waxana Haatan ay xukuumaddu faro baas ku Haysaa Warbaahintii kale ee Dalka ka jirtey, iyadoo Xidhxidhay Xarumo badan oo Warbaahineed oo sifo sharci ah dalka ugu Hawlgeli jirey.
Warar kale oo aanu Helayno ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafintu u axsaabta mucaaridka u qoray warqad uu ugu sheegayo inaanay xukuumad ahaan ogolaan doonin in idaacad aan sharci ahayn war looga diro Somaliland, waxana uu Suuqa ku sii daayey Kooxo Basaasiin ah oo War buuxa uga Keena Xogaha idaacaddan ku Gedaaman.
Idaacaddan ayaa si weyn loooga Hadal hayaa Guud ahaan Somaliland, waxana ay shacabku si weyn u dhawrayaan wararkeeda, maadaama aanay Haysan wax dhaafsiisan Idaacadda Radio Hargeysa oo inta badan wakhtiga ku lumisa Kala Faquuqa iyo kala Fogaynta Axsaabta mucaaridka ah iyo Xukuumaddda.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com