|

SONSAF Oo Noqotay Huuggii Xukuumaddu Saxaafadda Madaxa Bannaan Ku Soo Qaban Lahayd

Hargeysa:13-March-2014(SDN)-Dallada ay KU Bahoobeen Urrurada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa Haatan u muuqata mid u xuubsiibatay Inay Fuliso Danaha ay xukuumadu ku Doonayso Inay Cabudhiso Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka.

 

SONSDalladan  ayaa in muddo ah ku Hawllanayd inay shirar doceedyo u qabtaan xubno ka mid ah Saxaafadda Madaxa Bannaan, iyagoo  hoosta ka wata Mashaariic guntoodu dheer tahay oo xukuumaddu doonayso inay Saxaafadd qool ku xidho.

Dallan ay Ururrada aan Dawliga ahayni ku Bahoobeen, ayaa Muddo Haatan laga Joogo Laba Bilood, waxa ay shir Huteel Maansoor ugu qabteen Qaar  ka mid ah saxaafadda Somaliland, iyagoo halkaaas ku sheegay inay Wadaan Barnaamijyo Saxaafadda  Gaarka loo leeyahay lagaga Saarayo Caqabadaha Haysta.

Shirkaas waxa si weyn u cambaareeyey Xubno sare oo ka Mid ah Ururka ay saxaafadda Somaliland ee Gaarka ahi ku Bahowday ee Solja oo ku sheegay mid aanay dani ugu jirin saxaafadda dalka oo  U Jeeddooyin gaar ahi ku Liqdaaran yihiin, wax midho ahina kama ay soo Bixin.

 

Sidoo kale Maalintii shalay mar labaad waxa ay Dallada SONSAF Haddan Hutel Maansoor ku qabatay shir kale oo isla kii hore uun Daba socda, waxana ku Casuumeen Xubno saxaafadda Madaxa Bannaan Ka Tirsan, Saraakiil wasaaradda Warfaafinta ee Hawshan wadata ka Tirsan iyo Xildhibaano Muxaafid ah oo Golayaasha dalka ka Socday.

Shirkan ayey Dalladu mar kale ku sheegeen in xal loogu raadinayo Caqabadaha Saxaafadda, waxana ay tilmaameen inay Daawada Caqabadahaas Saxaafaddu sheeganayso raadinayaan.

 

Hoggaanka Sare ee Ururka Saxaafadda Ee SOLJA ayaa iyaga aqlabiyadoodu qaadacay shirkan, waxana ku tilmaameen mid ay xukuukmaddu saxaafadda ugu soohayso Xadhkihii qaban lahaa.

SONSAF, ayaa iyadu ku andacoonaysa inaanu shirkani ahayn mid saxaafadda ka dhan ah, waxase Muuqata inuu yahay mashruuc ay saxaafadda ku qaadatay oo loogu talo galay in warbaahina gaarka ah loogu sameeyo sharci xukuumaddu gadhwadeen ka Tahay oo lagu ciqaabo.

Dallada SONSAF ayaa haatan u muuqata inay Taariikhda Madaw Bayjkeedii ka samaysanayso, waxana soo Badanaya Dhaleecaynta loogu jeedinayo Arrintan ay xukuumadda uga wakiilka tahay ee Saxaafadda lagu Curyaaminayo.

 

Tallaabooyinka Noocan oo kale ah ayaa in  badan ay xukuumaddu qaaday si ay saxaafadda madaxa Bannaan Gacanta ugu dhigto, basle uma ay suurtogelin, maadaama inta badan urrurada Saxaafaddu ay ka dhiidhiyaan Dulmiga Iyo Dhagaraha qarsoon ee xukuumaddu doonayso inay ku wiiqdo   danaha iyo wanaagga saxaafadda madaxa Bannaan.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed