|

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-shabaabka Oo Gacanta Dawladda Soo Galay

Xuddur:13-March-2014 (SDN)-Waxa Galabnimadii Shalay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool Lagu soo Bandhigay Sarkaal sare oo Kooxaha Alshabaab hore uga Tirsanaan Jirey Balse Haatan ka yimi.

asteeSarkaalka la soo bandhigay oo lagu magacaabo Sheekh Yaasiin Axmed Macallin (Sheekh Bismilaah) wuxuu Shabaabka u qaabilsanaa madaxa dacwadda ee gobalka Bakool.

Sarkaalkan ayaa Warbaahinta u sheegay markii uu in muddo ah ku jiray duurka in uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo maamulka iyo ciidamada ammaanka gobalka, isagoona muujiyay gobalka ay deggan yihiin xaaskiisa iyo  aabihiis.

Waxa  kale  oo uu Sheekh Bismilaahi Xusay  in uu maamulka gobalka uu ka codsanaayo in ay iska cafiyaan maadama uu isku soo dhiibay isla markaana aanu markale ku biiri doonin Al-Shabaab.

Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee dhinaca Al-Shabaab ka soo go’a tan iyo markii uu billowday labo toddobaad ka hor duulan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa laga qabsaday shan degmo oo mihiim waxaana ka mid ah, magaalo madaxda gobalka Bakool ee Xuddur.

 

Sarkaalkan ayaa Haatan Gacanta ugu jira Ciidanka Dawladda Federalka ah, waxana uu tilmaamayaa inuu Doorbiday inuu Dawladda Gacanteeda Galo Halkii uu Duurka ka Joogi Lahaa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed