Hargeysa: Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka oo amar ku bixiyay xidhitaanka Taliye Saldhig Boolis oo amar-diido ku kacay iyo kala-safashadii ciidanka ee maanta (Akhri Amarka Maxkamadda)
Hargeysa 12, March 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhagadhago), ayaa amar ku bixiyay in la xidho taliyaha Saldhiga Booliska Qudhacdheer ee degmada Maxamuud-Haybe ee magaalada Hargeysa Mr. Axmed Dacawo, taasoo sababtay in ciidan taliyaha weheliyay iyo kuwa maxkamaddu ay laba dhinac u kala saftaan.
Sida ku cad go’aan ay Maxkamaddu soosaaray oo ay shabakadda wararka ee Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com nuqul ka heshay, kuna taariikhaysan 11/03/2014, guddoomiye Faysal Dhagodhago, waxa uu amar ku bixiyay sii-daynta eedaysane Maxamed Axmed Geele oo ka mid ahaa dhawr eedaysane oo maxkamadda la horgeeyay.
Hase yeeshee, maalin kadib go’aankaas, waxa markale maanta Maxkamadda la horgeeyay eedaysaneyaal uu ku jiro eedaysanaha ay Maxkamaddu shalay damaanadda sii-dayntiisa soosaartay, balse guddoomiyuhu wuxuu eedaysanahaas iyo xubno eheladiisa ah ee goobta joogay u sheegay in Maxkamaddu ay xoriyaddisa u soo celisay eedaysanahaas.
Laakiin, askari ka mida kuwa saldhiga Qudhac-dheer ayaa isku dayay inuu eedaysanaha la sii daayay dib ugu celiyo baabuurka ciidanku watay, dibna loogu qaado saldhiga uu hore ugu xidhnaa, kadib markii uu ku andacooday inuu amar ku haysto in aan la siidaynin.
Isku-daygaasi waxa uu dhaliyay in guddoomiyaha Maxkamaddu ka cadhoodo, isla markaana sida la sheegay ay ciidanka Maxkamadda ilaalada ka ah iyo hawlwadeeno kaleba gacanta saaraan askarigaas.
Taliyaha Saldhiga Qudhacdheer Mr. Axmed Dacawo oo isna goobjoog ahaa, waxa uu ku adkaystay in aan la siidaynaynin eedaysanahaas, sidaa darteedna uu dib ugu celinayo saldhiga.
Buuq ka dhashay khilaafkaasi waxa uu soo jiitay dad badan oo maxkamadda ku sugnaa iyo kuwo jidka marayay inay ku soo ururaan goobtaas, iyadoo guddoomiyaha Maxkamadduna waxa uu amar ku bixiyay xadhiga Taliye Axmed Dacawo. Intaas kadib, xaaladdu waxay isu bedeshay mid kala-dambayn la’aan ah, iyadoo ciidanka ilaalada Maxkamadda ee guddoomiyuhu amarka siiyay iyo kuwa wehelinayay Taliye Axmed Dacawo ay kala saftaan, isla markaana ku sigteen in iska-horimaad ka dhex dilaaco. “Xaaladdu waxay isu bedeshay mid dhibaato dhalin gaadhay, markii ciidanku laba kooxood noqday, hubkana isu qaato,” ayuu yidhi goobjooge ku sugnaa Maxkamadda. “Arrintu waxay ku sigatay inay khasaare ka dhex dhaliso ciidanka taliyaha difaacayay iyo kuwa Maxkamadda,” ayuu raaciyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Bilayska Somaliland Gaashaanle Dhexe Maxamuud Ducaale uu tegay goobtaas, si uu u dejiyo xaaladdii cakirnayd ee ka dhalatay diidmada amarka Maxkamadda gobolka ee Taliyaha Saldhiga Qudhac-dheer ku kacay.
Xilligii cahdigii xukuumaddii UDUB, Mr. Axmed-Dacawo waxa uu mar taliye ka ahaa Saldhiga magaalada xuduudka ku taala ee Wajaale.
Sida la sheegay, markii masuuliyiinta Bilaysku goobta gaadheen, waxa ismaandhaafkaas labada dhinac lagu soo afjaray in go’aankaas Maxkamaddu soosaartay la fuliyo, eedaysanahaasina xoriyaddiisa dib u helo.
Go’aanka ay maxkamaddu ku ogolaatay inay damaanad ku sii dayso eedaysanaha, waxa uu u dhignaa sidan; “Ku: Taliyaha saldhiga Booliska M/Haybe,
Ujeedo: Amar siidayn eedaysane;
Maxkamadda gobolka M/Jeex – Hargeysa, waxay idinku amraysaa in aad siidaysaan eedaysanaha magaciisu yahay;
1. Max’ed Axmed Geele, ina Caasha Jaamac L/50 jir, kaasoo ku eedaysan qodobka:- 440 (2), 266, 470,XCG, kadib markii ay damaanad ku sii daysay maanta 11/03/2014.
Sidaa daraadeed, waxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Hargeysa idinku amraysaa inaad siidaysaan eedaysanaha sare ku xusan ila maanta oo ay bishu tahay 11/03/2014.”
Qurbejoog.com, Hargeysa