|

Xukuumada Somaliland oo Daboolka Ka Qaaday In Gudi Heer Qaran ah loo saarayo Aaska Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Dar Daarankiisi {DHAGAYSO}

Hargaysa 12.March 2014 (SDN)- Xukuumada Somaliland ayaa Caawa daboolka Ka Qaaday inay Isu diyaarinayso Sidii ay Aas Heer Qaran ah ugu Samayn lahayd Alle ha u Naxariistee Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec oo Shalay ku geeriyooday dalka Jarmalka.

CABDI WAAXIDWasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.waaxid C.qaadir C.raxmaan oo Caawa ka Hadlay kulan uu la qaatay ehelada Marxuunka oo Isugu Jira kuwa dalka dibadiisa ka Yimid Sida Xaaskiisii,Madax dhaqameedka iyo Waxgarad kale ayaa Wasiir ku Xigeenku waxa uu sheegay in Xukuumadu ay oofin doonto dardaarankii Marxuunku bixiyay oo uu ku sheegay in lagu aaso Magaalada Berbera oo ah Bogcad noloshiisa qayb ka mid ah ku soo qaatay.

Wasiir Ku Xigeenku waxa uu cadeeyay in Madaxweynahe ku Xigeenka Somaliland uu maalinta beri ah soo saari doono Gudida heerka qaran ee Qaban qaabin doonta aaska Qaran ee Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec naxariistiisii Janno alle ha ugu deeqee .

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARBIXINTAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/tubeec(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed