|

Waa ayaan darro in masuul sare oo ka mid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku uu qayb ka noqdo barnaamijyada xaalad abuurka ah ee ay xukuumaddu ka dhaqdhaqaajinayso bari iyo galbeedba Musharaxa madaxwayne ku xigeenka Ucid

London 12March 14(SDN) Musharaxa madaxwayne ku xigeenka Ucid Cabdirashiid xassan Mataan ayaa jawaab kulul ka bixiyey warbaxin uu soo saray Gudomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid waxana uu hadalkiisa u dhigay sida tan Waa ayaan darro in masuul sare oo ka mid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku uu qayb ka noqdo barnaamijyada xaalad abuurka ah ee ay xukuumaddu ka dhaqdhaqaajinayso bari iyo galbeedba.
Ma qabo in Muwaaddin udhashay S/land, uu cidna fasax uga qaadnayo deegaankiisa iyo meelkasta oo uu ka rabo in uu ka dego S/Land.
Waxaan wada ognahay in S/Land ay Soddonkii sano ee u dambeeyeyba ku jirtay barakac iyo qoxooti gudaha dalka iyo dibbaddiisaba, nasiib wanaagna aynu dib uga soo kabanayno dhibaatooyinkaa maantana ay inoo cammiran yihiin magaalooyin badan, waana wax lagu farxo lana dhiirri geliyo. Islamarkaana waan soo dhowaynayaa muwaadin kasta oo tacmiirta magalooyinka S/Land qayb kaqaadanaya, markhaatina uma baahna in loo furo, umana baahna in ay Dawladi dabada ka waddo ama hor oroddo.
Barnaamijyada aanu ku rabno codka shacabkuna waa kuwo ku qotoma, dhowrista wada noolaanshaha, kobcinta xuquuqda shakhsiga iyo abuurista Qaran lawada ilaashashado. Si loo helo taa waa lagama maarmaan in laga dhowrsado wax kasta oo wax-udhimaya haddii ay tahay hadal ama ficilba.

Comments are closed