|

Shan iyo Sagaashan Askari oo ka Tirsan Ciidamada RRU Iyo SPU oo loo soo Gabo gabeeyay Tababar uga socday Dugsiga Mandheera

Mandheera 12.March 2014 (SDN)- Shan iyo sagaansha askari oo ka kala tirsan ciidamadda Ka Jawaabista Hawl galada  Degdega ah ee RRU Iyo Kuwa SPU ayaa Maanta Tababar u Socday Mudo 45 uga Socday Dugsiga Tababarka ee Mandheera ayaa Maanta loo soo Gabo gabeeyay..

rrudaXafladaasi oo ka qabsoontay  dugsiga tababarka  lixle ee mandheera ayaa waxa kazoo qeyb galay  Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Mudane Cismaan Garaad Soofe,Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed “Fooxle” maayirka degamadda mandheera yaasiin yuusuf , hogaanka ciidanka booliiska ee birmadka cabdi axmed jiir , hogaanka tababarka ciidanka booliiska siciid xasan  iyo taliyaha dugsiga mandheera cabdilaahi budul.

Tababarkaas  oo ah mid dabasocday tababaro hore oo ciidamada SPU iyo RRU ay hore usoo qaateen ayaa maanta loogu soo xidhay halkaasi waxaana halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka gobolada iyo dagmooyinka mudane cismaan garaad soofe oo ku dheeraaday qiimaha ay ciidamada booliisku u leeyihiin qaranka waxaanu ugu horeyn si weyn ugu mahad celiyay macalimiinta tababarkaasi bixinaysay iyo cid kast oo gacan ka geysatay fulinta aqoon koradhsigaasi, waxaanu intaa ku daray  in caadamada booliiska qeybahooda kala duwani in ay yihiin  kuwo hadh iyo habeen  heegan ugu jira ilaalinta amniga qaranka waxaanu ciidamada tababarka dhamaystay kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay ku hagaan hawlaha ay u hayaan bulshadda.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay taliye ku xigeenka ciidanka booliiska somaliland sareeyo guuto cabdiraxmaan  liibaan axmed  “fooxle” oo ka waramay maraaxiilka uu soo maray  tabarkaasi soo maray isagoo xusay in uu daba socdo tabotabro hore oo u soo socday  ciidanka booliiska qeybihiisa kala duwan waxaanu ciidamada usoo jeediyay in ay aqoonta ay abrteen ay ku dabaqaan shaqooyinkooda ay hayaan .

Waxa iyna halkaasi ka hadalo ku aaddan  ujeedada tababarka  kazoo jeediyay halkaasi  hogaanadda kala duwan ee ciidanka booliska  taliyaha dugsiga iyo maayirka  degmada mandheera kuwaasoo si weyn u amaanay ciidanka tababarka dhamaysatay iyo macalimiinta tababarka bixinaysay   .

Mandheera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed