|

Amisom Oo Cadaysay In Dantooda Joogitaanka Somalia Ay Ku Jirto Sidii Ay Xarakada Al Shabaab U Sii Jiri Lahayd

Muqdisho 12.March 2014 (SDN)- Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midawga Afrika ee AMISOM,ayaa sheegay in aanay doonayn inay jabot ama uu soo dhamaado dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab,halka ay caddeeyeen inay Soomaaliya u joogaan inay dhaqaale ku helaan dagaakla ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

AMISOM,ayaa intaa ku daray in danta joogitaankooda Soomaaliya ay ku jirto inay sii jirto kooxda Al-Shabaab  taasoo saamaxaysa inay AMISOM-na sii joogto Soomaaliya isla markaana ay ku helayaan dhaqaale badan oo ay sababtiisa tahay dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Wariye ka tirsan wargeyska Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa askarigi ka tirsan AMISOM oo fasax ku jooga   magaalada Bujumbura uu halkaas howlo shaqo u joogay,waxaa uu waraysi kula yeeshay Asgarigan ka tirsan ciidanka AMISOM,asgarigan ka tirsan ciidanka AMISOM,ayaa ku adkaystay in ciidanka AMISOM aanay doonayn inay jabiyaan kooxda Al-Shabaab isla markaana ay dantoodu ku jirto jiritaanka Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhaqaale badan ku helaan.

“Ma doonayaan ciidamada AMISOM inay baabi’iyaan ama ka taqalusaan Al-shabaab, waayo taasi uguma jirto wax faa’iido ah, joogistooda waxaan ku helayaa lacag aad u badan, muhiim ayuuna noo yahay jiritaankooda ,Ma doonayo in Al-shabaab la jabiyo. Waayo waxaan doonaynaa in howlgalku uu sii socdo si aan dhaqaale u helo.”ayuu yidhi Asgariga ka tirsan ciidanka AMISOM ee wariyuhu waraystay oo la qariyay magaciisu,waxaanu intaa ku daray in mushahar ahaan ay u  qaato 1200 oo doollar, isla markaana uu helo 500 oo doollar oo dheeraad ah, taasoo uu ka qaato 10-askari oo ka kala tirsan Somalia iyo Burundi..

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed