Urur u dooda Xuquuqda Saxaafada oo dalbatay in xabsiga laga sii daayo Wariye ku xiran Itoobiya
Nairobi Mar 12,2014(SDN)-Ururka Midawga Caalemiga ah ee Suxuufiyiinta IFJ ayaa shaaciyay in aan la aqbeli kareyn eeda iyo xabsiga lagu xukumay wariyaha caanka ah ee Maxamed Awes Mudeey.
Mudeey ayaa maxkamadi ku riday xukun xarig ah oo 27 sanadood ah oo loo cuskaday sharciga la dagaalanka argegixisada.
Xeer ilaaliyeyaasha dalka Itoobiya ayaa Muudey ku eedeeyay in uu hayay xog ku saabsan hawlgalada kooxda Al Shabaab ee dalka Itoobiya kuna oogey denbi ah in uu ka qeyb qaatay dhaqdhaqaaqyo argegixis.
“Waanu la yaabnay xukunka aan la rumeysan Karin ee adage e lagu riday wariyahan rugcadaaga ah Maxamed Aweys Mudeey oo aan wax denbiya gelin,waxaanan ka dalbaneynaa in dawlada Itoobiya ay siideyso weriyaha”sidaa waxa yiri madaxa IFJ Jim Bourmelha.
Ururka IFJ ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu yahay dalka labaad ee Africa ugu xariga badan suxuufiyiinta isla markaana isticmaalaya shuruuc loogu talo galay in lagula tacaalo argegixisada.
SDN-Nairobi