|

Askari Ka Tirsan AMISOM Oo Sheegay Inaanu Jeclayn in Shabaabka Laga Adkaado, isagoo Faa’iidooyin Badan ka Sheegtay Somalia

Bujumbura:12-March-2013 (SDN)-Wariye  ka Hawlgala Wargeyska Star oo dhawaan booqday Dalka Burundi ayaa ka qoray Warbixin si aad ah u soo Jiidatay Dhammaanba  Dadka Daneeya Arrimaha Soomaalida.

amiamiWarbixinta uu Wariyahani Qoray ayaa Salka ku Haysa Wada Sheekaysi uu la Yeeshay Askari ka Tirsan Ciidanka AMISOM, waxana ka Soo baxay Natiijo ay la Yaabeen Dadkii Akhriyey.

Askariga uu Wariyahani la Kulmay ayaa Dhawaan ka yimi Muqdisho, waxana uu ka Sheegay inaanu Jeclayn in Alshabab laga Adkaado.

Wuxuu ugu warbixiyay xaalada Soomaaliya iyo sidda ay ugu qanacsan yihiin howgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo uu ku Tilmaamay mid uu si weyn u soo Dhaweynayo .

Wariyaha sheekadan qoray ayaa sheegay in sarkaalka uu la kulmay  oo didday magaciisa in la xigto in uu u sheegay in uu gurri cusub ka dhistay dalkiisa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Askariga AMISOM waxaa bishii la siiyaa 1200 oo dollar Maraykanka, waxaa u dheer 500 oo dollar halka askariga Dowladda Soomaaliya la siiyo 120 dollar ilaa 50 dollar, taasoo mararka qaar aaney helin.

“Ma doonayo in laga adkaado Al-Shabaab. waxaan ka door bidi lahaa in howlgalkeena uu ku baaho dalka,” ayuu yidhi askari la wareystay.

Dhawaan sawir uu sameeyay Amiin Caamir ayaa muujiyay in askarta AMISOM ay iska taagnaayeen xilligii Al-Shabaab ay soo weerartay xarunta madaxtooyada Villa Somalia, waxaana dagaallamayay ciidamada dowladda, arrintaas waxa ay muujisay walaac ay madaxda dowladda ay qaadeen ciidanka AMISOM.

Si kastaba, xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayaa dhawaan shaaciyay in ciidamo gaar ah oo hoostaga Qaramada Midoobay uu la iman doono.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed