Mareykanka oo daar gubatay uu ilmo yar oo Soomaali ahi ku geeriyooday
Utica Mar 12,2014(SDN)-Qoys Soomaali ah oo ku nool magaalada Utica ee Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa dab qabsaday aqalkii ay ku noolaayeen waxa ku dhintay ilmo yar.
Ilmaha yare e siqiiray oo lix bilood uun jiray oo magaceedu ahaa Maryan Cumar ayaa lagu aasay isla magaaladaasi xabaalo ay leeyihiin Muslimiin reer Bosniya ah oo magaaladaa degen.
Ciidamada dab demiska ee Utica ayaa sheegay in dabka oo Axadii aqalka gubay in uu ka bilowday dabaqa labaad oo reerku degenaayeen.
Ciidamada waxa ay sidoo kale sheegeen in Qoyska Soomaaliya oo ka koobna laba waalida afar caruur ah oo kale ay dabkii ka badbaadeen.
Ciidamada Ayaan ilaa haatan garaneyn sida dabku ku bilowday.
Ehelka qoyskan oo ka kala yimi dalka Mareykanka goboladiisa kala duwan ayaa ka qeybgalay aaskii loo sameeyay ilmahii yaraa ee dabka ku dhintay.
SDN-Utica
contact@somalidiasporanews.com