Dheemanay: Dhaantadu Ma Xadraday La Dhalatay
Sida aad ka warqabtaan waxaa ayaamahaan soo badanayey fanaaniin cusub oo casriyey ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka, una bedelay qaab heeseed oo ay dhalinta maanta ka daba dhacday. Intaas waxaaba dheer, in madaxwaynaha Soomaaliya markii uu booqday Kismaayo, shabakadaha wararka ayna tuseen isaga oo dhaanto ciyaaraaya. Waxaa sidoo kale, shabakadaha wararka aan ka daawanay madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo la ciyaaraaya dhaanto madaxwaynaha kilinka Soomaalida ee Ethiopia.
Inkasta oo aanan u lahayn qibrad aad u wayn dhinaca ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, inta aan ka ahayn Kabeebey iyo sharax, oo labaduba si aad ah looga jeclaa magaaladii aan ku soo koray, waxaanse si aada ah ula dhacay Shiribka iyo Dhaantada. Weli waxaan ka shaqaynayaa in aan fahmo, waxaa ay labadaan ciyaar dhaqameed uga duwan yihiin ciyaar dhaqameedyada kale iyo waxa ay isaga midka yihiin.
Waxay aniga ila muuqataa in labaduba ay dhici karto in dhaqanka carabta ay lug ku leeyihiin. Shiribka hadii aad u fiirisato jaanqaadkiisa iyo habka socodka waxaa ka dhadhaminaysaa sharax. Dhinaca kale, dhaantada waxaa iyada ka laga yaabaa in ay la mid tahay ciyaaro dhulalka carabta qaarkood laga ciyaaro marka aad u fiirsato sida dadka gacmaha uso qabsadaan mararka qaarkood iyo sida ay isula jaangaadaan – iyaga oo hore iyo gadaal isula dhaqaaqa.
Labadaan ciyaar dhaqameed laguma soo koobi karin qoraalkaan, hadana markaan isku barbardhigay xerta xadradeeda iyo dhaantada, ayaan waxay iila muuqatay in ay isaga mid yihiin dhinacyo badan sida: safka iyo isruxa.
Marka, waxaan dowr biday in aan dheemantii, waa gabartaan aan u qaadi lahaa dhaantada qalbigayga ku maaxatay, in aan iyada marka hore waydiiyo in dhaantada looga dayday xerta iyo xadradeeda, oo malaha aad ugu badan deegaanada dhaantada laga cayaaro. Fadlan googlegaray erayada: Xadro ama sharax, bal ila arag arimaha aan ka hadlay.
Waxaa soo diyaariyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida ee degan magaalada Minneapoli, MN ee dalka Maraykanka – Junlay99@aol.com