|

Madaxweyne Siilaanyo oo Caawa u Hoyday Magaalada Saylac iyo Mashruuc uu Magaalada Boorama Xadhiga kaga Jaray

Hargaysa 11.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan Marwada 1aad ee Qaranka Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed  Jirde, Wasiirrada wasaaradaha Madaxtootada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada, Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kaluumaysiga, Beeraha, Warfaafinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliayaasha ciidanka Booliska iyo Qaranka Xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa soo gaadhay maanta magaalada Boorama.

142-300x168Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay gobolka Awdal si wayn loogu soo dhaweeyay, waxana ka hor tagay Maamulka Gobolka kan degmada, xildhibaanada golaha degaanka Boorama, Madaxda hayada ASARDA oo martiqaadaka madaxwaynaha iska lahaa, salaadiin, culimaaudiiin, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray jid taariikhi ah oo dhererkiisu dhan yahay 24km kaasi oo isku xidhaya magaalooyinka Dila iyo Boorama, kaasi oo ay xukuumadu intiisa badan maalgalisay dhismahiisana ay gacanta ku haysay hayada hormarinta jidadka Awdal iyo Salal ee ASARDA. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu isla maanta dhagaxa dhigay jid kale oo mustaqbalka la dhisi doono kaasi oo isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Magaalada Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djibouti.

Isla maanta ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo Wafdigiisu waxa ay ka qayb galeen madal balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay, oo ka qabsoontay hoolka Jaamacada Camuud, waxana halkaasi ku kulmay haldoorka gobolka Awdal oo dareensan in maalintan ay tahay maalin taariikhi ah oo ku suntan dhamaadka jid mudo dheer loo baahnaa oo dhismisu dhamaaday.

Madashan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise waxana uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu jidkani soo maray waxana uu yidhi “Mudane Madaxwayne waa noo farxad inaad maanta xadhiga ka jarto dhismaha jidka Dila iyo Boorama isku xidha oo taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay xukuumadaadu suura galisay inuu dhismo, hindisaha dhismaha jidkan waxa uu ahaa mid mudo dhawr sano ka hor ah soo bilaabmay, waxana uu ahaa hami caafimaad qaba ku dayasho mudan oo maanta iftiinkiisu uu dalka oo dhan ku baahahay, dadka reer Somaliland-na dareensiiyay inay wax qabsan karaan hadii la taageero”

“Mudane Madaxwayne waxa aan ka marag kacaynaa in 100maalmood ee ugu horeeyay ay xukuumadaadu dhagax dhigtay 4km oo jidkan ah, wixii ka dambeeyayna ay xukuumadu 12km oo kale ku dartay iyada oo u igmatay hayada ASARDA oo ka wakiil ahayd dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal, maantana guul ku dhamaaday. Md. Madaxwayne waxa aan ka marag kacaynaa in jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 24km ay xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay dhistay sedexqayboodoow laba qaybood, halka ay qaybta hadhay oo dhan 8km ay dhamaystireen dadka ku dhaqan Awdal iyo Salal oo taageero ka helay qurbojooga, shariikadaha waawayn ee dalka iyo dadwayne badan oo reer Somaliland ah, waxana aan si wayn ugu mahadnaqaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha jidkan ee dalka iyo dibadaba wada jooga iyo gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo isagu xilgaar ah, ixtiraam iyo mudnaan na siiyay mudadii ay shaqadani Socotay, murtiduna waxa ay tahay in Mudane Maxawayne aad tahay shaqsiyada ugu mudan in loo mahadnaqo oo ku dhiiratay dhismaha jidkan iyo dhamaan dhismayaasha kale ee jidadka ee ka socda dalka Somalilan” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdilaahi

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Abuukar Xuseen Miicaad iyo Xaaji Muumin Jaamac Samaale oo ka mid ah masuuliyiinta hayada ASARDA, waxana ay ku dheeraadeen sida taageeradii ay xukuumada xisbiga Kulmiye bixisay ay u noqotay mida suura galisay in jidkani uu dhismo, sidoo kalena waxa ay madaxwaynaha uga mahadnaqeen dhagaxdhiga jidka Boorama iyo Lawyacado, waxana sidoo kale ay dadka ku dhaqan gobolka Awdal ku dhiiri galiyeen inay ka qayb qaataan dhimaha jidka Ceerigaabo oo ay xuseen in uu dalka ahmiyad gaar ah u leeyahay”

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan anaga oo Camuud ah ka marag kacaynaa in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay tahay xukuumadii Waxqabadka, sidoo kalena waxa aan sheegayaa in xaalka dalku uu maanta yahay mid wanaagsan gaar ahaan siyaasada arimaha dibada oo loo magacaabay masuulkii ku haboonaa, waxana aan leeyahay dalka laba dawladood kama wada jiri karaan ee Xukuumada Kulmuye ha loo daayo hagida siyaasada arimaha dibada hana lagu taageero”

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xukuumada iyo Madaxwayne Siilaanyo ku bogaadiyay waxqabadka ay muujiyeen waxana uu yidhi “Marwalba oo tartan yimaado waxa badan inta hadalka badinaysa , waxana aan leeyahay M/Siilaanyo adigu fadhiga isaga tasbiixso, umadana u sheeg waxqabadkaaga kuna dheh intana waan qabtay, inta dhimana waan qabanayaa ee sidaas igu doorta, anaguna waan ka marag kacaynaa in aad wax lataaban karo oo waxqabad ah la timid”.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu Hogaaminayo ayaa Markaas kadib waxay u Jihaysteen Gobolka Salal oo ay u Noqonayso Markii 1aad ee uu tago Gobolkaas tan iyo intii uu Hogaaminta Qaranka Hayay Waxaanu Caawa ku Hoyday Magaalada Saylac oo ay Galeen Sideedii Caawa .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed