Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo Ganafka ku Dhuftay Digreetadii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Nuxurka Jawaab Celintooda
Hargaysa 11.March 2014 (SDN)- Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa,ayaa jawaab wadareed siiyay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ka dib markii uu soo saara wareegto uu dhulka danta guud kaga joojinayo dawlaha
Golaha deegaanka caasimada Hargeysa oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta dawlada Hoose ayaa waxay sheegeen inaanay in wareegtada uu soo saaray wasiirka hawlaha guud ay gabi ahaanba ka hor imanayso distoorka qaranka.
Ku simaha maayarka ahna maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga Wayne oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa soo bandhigay qodobada ay dhulka danta guud ah u cuskanayaan golaha deegaanka caasimada Hargeysa waxaanu yidhi “Dastuurka somaliland waxa uu dhigayaa inaanu leenahay awoodaha dhulka, xeer lanbar 17 waxa uu sheegayaa
inaanu leenahay awoodaha dhulka ee aad nagu haysato wasiir, waxaanu nahay gole ay doorteen shacabka caasimada waxaanu nahay gole ku shaqaynaya shuruucda wadanka u taala.” Ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa.
Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ waxaynu wasiir ka wada hadlaynaa waa wixii dadka inaga sharfay ee adigana wasiir kaa dhigay anagana xildhibaano naga dhigay waana sharciga dalka ku yaala, sharciguna waxa uu dhigayaa in wasaarada hawlaha guud masuul uga tahay xukuumada dhulka shacabka wixii ka reebana aanu anagu masuul ka nahay.” ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com