Xisbiga Kulmiye oo Banaanka u Tuuray Ururkii Jamhuuriga Calaamad Su’aalna Saaray Ururkii Xaqsoor
Hargaysa 11.March 2014 (SDN)- Xarunta Xisbiga Kulmiye waxa shalay lagu qabtay kulan loogu gogol xaadhayey qaban qaabada shirweynaha iyo sidii loo soo xuli lahaa xubnaha Golaha Dhexe iyo Fulinta, kuwaas oo lagu Ansixin doono shirweynaha.
Kulankan oo uu shalay ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo xubnaha Hogaanka oo dhan waxa lagu falanqeeyey Liisas ay soo kala gudbiyeen labadii Urur eek u hadhay Doorashadii Golaha Deegaanka ee Xaq-soor iyo Jamhuuriga, kuwaas oo la Xulafoobay Kulmiye.
Labadan Liis oo aan lagu sharciyeyn wadahadaladii iyo Heshiiskii Guddidii xalinta khilaafaadka Xisbiga Kulmiye soo saartay ayaa loo gudbiye Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, Guddiduna waxay dib ugu celisay hogaanka iyadoo ku codsatay in ay sharciyada soo waafajiyaan.
Liisaskan oo dhamaa 70 xubnood oo kala ahaa labaatan Jamhuuriga ah iyo Konton Xaq-soor ah waxa isla shalayba ka fadhiistay hogaanka, waxaana gabi ahaanba meesha laga saaray liiskii Jamhuuriga oo ay ku doodeen in aanay Heshiisba la galin Kulmiye.
Hase yeeshee Liiska Xaq-soor waxa ka dhalatay Dood taas ka duwan, waxaana la isku qabtay tirada oo badan iyo sharcinimadeedaba , waxaanay Hogaanku isla qaateen markii ay meel u waayeen in Guddida Fulinta Xisbiga shir aan Caadi ahayn maanta ahaan la isugu yeedho si ay go’aan uga gaadhaan.
Guddida Fulinta oo ka kooban dhawr iyo afartan Xubnood ayaa maanta u wada fadhiisan doona go’aan ka gaadhista Xubnaha Xaq-soor, kuwaas oo haddii la diido meesha ka bixi doona, haddii la aqbalana laga yaabo in tirada wax laga dhimi doono.
Illaa hada lama guda galin qaabka loo qaybsanayo xubnaha hore loo sharciyeeyey, haddii ay noqoto Fulinta iyo Golaha Dhexeba , waxaana shalay laga dareemayey shirkii Kulmiye inaan wali la isla jilcin saamiga la kala helayo, iyadoo wali ay hadhsan tahay xubnaha loo xulan doono oo iyana hawshooda iyo murankooda wataa.
Si kasta ha ahaatee Hogaanka shalay ku kulmay xarunta Xisbiga Kulmiye oo qaarkood isku raageen wax tafaasiil ah kamay bixin Dooda dhex martay hase yeeshee waxay u muuqataa in Guddida qaban qaabadu durtaba bilowday go’aan qaadasho adag isla markaana aan si dhayal ah waxba loo hoos marin doonin, maadaama Liisaskaas labada Ururba ay dib ugu celisay Hogaanka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com