|

Alle ha u Naxariistee Boqorkii Codka Maxamed Saleebaan Tubeex oo Geeriyooday

Germany 11.March 2014 (SDN)- Alle ha u naxariistee Fanaanka Caanka ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa Saaka ku geeriyooday wadanka Jarmalka. Fanaanka ayaa in mudo ah qaliin lagu sameeyay u yaalay Cisbitaal ku yaala jarmalka ka dib Xanuun mudooyinkii dambe soo food saaray.

38086Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka ayaa ka mid ahaa Foolaadkii Fanka Soomaalida Kana Mid ahaa Kooxihii walaalihii Haragaysa  iyo hobaladdii Waaberi Si Weyna looga Yaqaanay Deegaanada ay Degaan Dadka ku Hadla Luqada Somaliga.

Alle haw Naxariistee Marxuunka ayaa ku dhashay deegaanka tuuladda Laalays ee Gobolka Saaxil Sanadkii 1941 kii halkaasoo uu yaraantiisii kusoo barbaaray magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil  waxaanu fankiisii kasoo bilaabay dhinaca magaaladda Haragsya  halkaasoo uu ku hawl galay fanaaniintii ka tirsanayd kooxdii Radio Hargaysa ee bilawga u ahayd  fanka Soomalida ee casirga ahaa,

Alle haw Naxariistee Marxuunku taariikhdiisa fanka waxa uu caan ka noqday dhamaan dhulka Somalidu dagto iyo mandaqada  Geeska Afrika  halkaasoo si weyn looga bartay xiliyadii uu hormoodka ka ahaa fanaaniinta.

Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu ifka kaga tagay 32 qof oo isagu jira kuwo uu dhalay iyo kuwo caruurtiisu ay sii dhaleen.

Bahda Shabakada Qurbejoog.com waxay Ilaahay uga baryayaan Marxuumka in Janooyinkiisa uu ka waraabiyo.

Inaa lilaah Winaa Ilayhu Raajucuun

 

Germany SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed