Tiro dad ah oo Rag iyo Dumarba leh oo Maxkamad Argegixiso uga bilaabatay Belgium
Brussels Mar 11,2014(SDN)-Maxmad ku taal dalka Belgium ayaa gudo gashay dhegeysiga dacwad lagu soo oogay 19 ruux oo loo heysto in ay ku biireen koox argegixiso ah.
Dadkan oo Dumar iyo ragba isugu jira ayaa loo heystaa in ay ka garab dagaalameen kooxaha argegixiso eek a dagaalama Soomaaliya iyo Suuriya.
Mid ka mida raga loo heysto dacwadan oo la yiraahdo Xasan Kaafi ayaa Brussels ka ahaa timo jare balse kolkii danbe u safaray Soomaaliya si uu ugu biro kooxda Al Shabaab.
Xasan Kaafi oo 39 jir ah ayaa maxkamada ka hor sheegay in aanu dagaalada ka qeybqaadan oo Shabaabkii uu la kulmay ma aaney aamineyn Belgium ka waxaaney ka qaateen dal ku galkii uu sitay.
Dalka Belgium ayaa waxa sida dalalka kale ee reer Galbeedka ka jira walaac ay ka qabaan dhalinyarada tirade badan eek a qeybgaleysa dagaalada Soomaaliya iyo Suuriya.
Walaacuna waxa weeye in kolka colaadahaasi dhamaadaan ay dagaal yahanadu dib ugu soo noqdaan Belgium ka dibna ay gacan siiyaan argegixisada.
SDN-Brussels
contact@somalidiasporanews.com