|

Shirweynaha Muunad-baxsan ee Xisbiga Kulmiye Oo La Isku Raacay Goobtii Lagu Qaban Lahaa

Hargeysa:08-March-2014(SDN)-Shirweynaha Muunad Baxsan ee Kulmiye Yeelan Doono Dhammaadka Bishan ayaa ugu dambayntii la Isku Raacay in Lagu Qabto Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa.

sagaaWarar Hoose oo Laga Helay Hoggaanka Qabanqaabada Shirkan ayaa xaqiijiyey in Shirkaasi uu ka Dhici Doono Huteelka Mansoor oo ah Goobta Xisbigu inta Badan iskugu yimaaddo.

Guddida Qabanqaabada ayaa gacanta laga Geliyey Liiska Xubnihii hore ee Golaha Dhexe, waxana ay Haatan Gacanta ku Hayaan Qorshihii iyo Hannaankii uu shirkaasi u socon lahaa.

Guddida qabanqaabada ayaa Haatan ku Hawllan Kala Xulashada Ergooyinka Xisbiga ee Gobollada kala Duwan ka Iman Doona iyo waliba Jaangoynta Tirada saxda ah ee ay Gobol walba ka Casuumi doonaan, maadaama ay cabashadu iska badan tahay.

 

Dhinaca kale, waxa durtaba bilaabmay dhaqdhaqaaq lagu kala hororsanayo sida Goboladda iyo Degmooyinku u kala helayaan  tirada Goboladda iyo Degmooyinka laga soo xuli doono si ay uga mid noqdaan Golaha Dhexe, wallow ay Gudida Turxaan bixinta Xisbigu sheegtay in ay ku salaysnaan doonaan tiradii Gobol kastaa ka helay Xildhibaanadii Golaha wakiiladda hadana waxa jira in beeluhu ku kala aragti duwan yihiin oo qaarkood ay doonayaan sad-bursiimo sidii dhacday shirweynayaashii hore ee Xisbigu soo maray.

 

Shirweynahan qabanqaabadiisa lagu jiro ee Xisbiga Kulmiye ayaa ah mid aan xallad iyo xiisad midna lahayn, maadaama  uu Hoggaanka Xisbigaasi Meelmarsaday inaan Haba yaraatee lagula Tartamin Xilalkooda, waxana ay taasi keentay uu shirkaasi noqdo mid aan Muunad lahayn.

Shirkii kan ka Horreeyey ee Horraantii 2007-dii ka dhacay Burco ayaa  ka duwanaa midkan, waxana kaasi uu gaar u lahaa in Madaxweyne Siilaanyo aan Lagula Tartamin Guddoomiyenimadii iyo Musharaxnimadii midna, iyadoo taasi keentay in xisbigu laba u kala jabo oo uu ku sigto inuu Burburo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed