|

Sucuudiga Oo Liiska Argagixisada Ku Daray Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

 

Riyadh:08-March-2014(SDN)-Dalka Sucuudiga ayaa dhawaan soo Saaray Qoraal uu liiska Argagixisada ugu Darayo Ururka Ikhaanul Muslimiinta oo uu  hoos Yimaaddo Ururka Dam Jadiid ee uu ka Soo Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

sucUrurka uu Madaxweyne Xasan sheikh ka Tirsan yahay ee Damjadiidka ayaa ah Laan ka mid ah ururka Haatan Meelo badan laga Mamnuucay ee Ikhaanka Masar, waxana ay Arrintaasi saamayn weyn ku Yeelan doontaa Mustaqbalka Dawladda Somalia iyo Madaxweynaheedaba.

Joornaal kasoo Dalka Masar ayaa dhawaan daabacay in madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh maxamud uu taageero Akhwaanka dalka masar ka wada kacdoonka iyagoona ku sheegay in Xasan ka mid yahay ururkaasi si weyna ugu taageero dhaqaalo badan.

 

Go’aanka ay qaadatay dalka Sacuudiga ee liiska argagaxisada loogu daray urur diimeed yada ayaa siweyn u sameyn doono dhaqaalaha Sucuudigu ay siineysay dalka Soomaaliya taas oo ku keeni karta in laga mabnuuca madaxweyne Xasan  dalkaasi Sacuudiga madaama ururkaasi uu ka tirsan yahay dowlada sacuudiguna ay ka war qabto.

Dalalka Tunisiya iyo Soomalaiya ayaa xiligaan waxaa madaxweynayaal ka ah laba shaqsi oo ka tirsan urur diimeydka akhawaanul muslimiin iyadoona la ogeyn labadasi dowladood siday u saameyn doonto go’aankaasi.

Dawladda Xasan sheikh ayaa inteeda badan waxa lagu sheegaa inay ka soo jeedaan Ururka Dam jadiidka oo ah halka uu ka soo Baxay Madaxweynuhu, waxana Dhawaaqani laga Yaabaa inuu Saamayn Ballaadhan ku Yeesho Horumarka Dawladda iyo waliba Caawimooyinka ay ka Hesho Dalalka Carabta oo intooda badani ka soo Horjeeda Ururka Ikhwaanka Dalka Masar ee Madaxweyne Xasanna La Sheegayo inuu Xidhiidh la leeyahay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed