|

Kala Shaki iyo Is aamin Darro Hadhaysay Dawladda Ra’isalwasaare Cabdiweli iyo Wasiirro Iscasilaad Ku Hanjabay

Muqdisho:08-March-2014 (SDN)-Warar Hoose oo Laga Helay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Wasiirka Gashaandhiggu uu iska Diiday Soo Jeedin kaga Timi Ra’isalwasaaraha oo ahayd in loo magacaabo Wasaaradda Amniga qaranka.

kooniWasiirka Amniga Qaranka Somalia Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay fariin ku saabsan inuu xilka Wasiirka Amniga iska casili doono hadaan loo wareejin Wasaarad kale, waxana la sheegay inuu si weyn uga Cabanayo Caqabado aan dibadda u soo Bixin oo uu la Kulmay.

Waxaa jira qorshe la doonayo in Jeneralka haysta Wasaaradda Caafimaadka loo weareejiyo Wasaaradda Gaashaandhiga, halka Wasiirka Gaashaandhigana laga dhigi lahaa Wasiirka Amniga,Wasiirka Amnigana loo wareejinaa Wasiirka Caafimaadka, arrintaasna waxa si weyn dabada uga riixaya Madaxweyne Xasan sheekh.

Ra’isul Wasaare Cabdi Weli ayaa Wasiirka Gaashaandhiga u gudbiyay macluumaadkaas shalay, hase yeeshee wuxuu si deg dega ugu sheegay inuu xilka iska casili doono hadii sidaas loo sameeyo isku shaandhaynta.

Wasiir Maxamed Sheekh wuxuu sheegay inuu aqbali karo Wasaaradda Amniga hadii la hoos keeno Boliiska iyo Laanta socdaalka.

 

Hoosgeynta Wasaaradda Amniga qaranka ee Booliska iyo Laanta Socdaalka ayaan wax ahayn dhici kara Hadda, maadaama aanay Masuuliyiinta Dawladda ugu sarraysaa ogolayn in sidaasi dhacdo.

Isku daygan cusub ee Xubanaha Golaha Wasiirrada la Doonayo in la iskugu Bedbeddlo ayaa Xukuumadda dhexdeeda geliyey Kala shaki iyo is aamin la’aan, waxana Haatan la Qorshaynayaa in Dibadda la dhigo Koox ka Tirsan Wasiirrada  oo diidan Soo Jeedimahan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed