Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya oo Isku Shaandhayn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada iyo Magacyadooda
Jig Jiga 01.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya, ayaa isku-shaandhaynta sameeyey Golaha Wasiirrada iyo Maareeyayaashii Xafiisyada Heer Deegaan, ka dib makii ay isla caawa Shir isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, shirkaas oo uu guddoominayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Sidaa waxa lagu sheegay qoraal dheer oo ka soobaxay caawa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Killalka Shanaad ee magaalada Jigjiga. War-Saxaafadedkaas oo nuqul ka mid ah Shabakadda wararka ee Aftahannews heshay, ayaa u dhignaa sidan:-
“1-C/risaaq saxane oo hore u ahaa Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komishineerka Booliska DDSI
2-C/wahaab Rashiid oo ahaa Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kuliyada Cabdulmajiid(TTC)
3-Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday wasiirka Cadaalada 4-Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday kuxigeenka Beeraha
5-Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha
6-Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada wardheer wuxuu noqday kuxigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada
7-Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha
8-Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Gudiga Dabagalka Xafiiska Madaxwaynaha
9-Cabdi Geedi oo ahaa Gud Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga
10-C/casiis maxamed cumar oo ahaa madaxa Maaliyada deg raaso wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga
11-c/fataax sheekh cali caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga
12-Mudane Wacay xasan oo ahaa Hormuudka Kuliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic
13-ilyaas abiib oo ahaa kuxigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday kuxigeenka TTC Dhinaca mmaamulka Maaliyada
14-maxamed Ibraahin C/laahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka N/galyada iyo Cadaalada
15-Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka waxbarashada kuxigeenka wakaalada Dhismaha arimaha biyaha
16- axmed maxamed shukri lataliyaha madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha kuxigeenka waxabarashada
17-Bashiir axmeed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka
18-Irshaad Cali Nuur agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada
19-Inj.Subeer C/lahi axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah
20-amiin Daahir Dabagalka Maamulka lataliyaha wakaalada Warbaahinta
21-c/kuus c/laahi saleebaan kuxigeenka lataliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha
22-cali ugaas cabdi kuxigeenka wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka
23-faarax jaamaca oo hore u haan jiray gudoomiyaha afdher waxaa loo badalay ku xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska
24- c/risaaq dayib hor xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalda waxaa loo badalay ku xigeenka wakaalda ilaalinta deegaanka macdanta iyo tamarta
Gobolada:-
1-Maxamuud xaaji cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuunoqday gudoomiyaha Gobolka shabeele
2-Maxamed axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dh/buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer
3-cabdi Cali Mataan(Cabdi ganay) oo ahaa Gud Deg awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”
Jig Jiga SDN.
Qurbejoog.com