|

Somaliland Ma ka Qayb gali doontaa Shirka Wadamada aan la Aqoonsan uga Furmaya Magaalada Brussels

Brussels 01.March 2014 (SDN)- Ururka Dalalka u halgamaya in ay helaan Xorriyad (UNPO) ayaa bishan sadexaad qaban qaabinaya kulan balaadhan oo ay dib ugu qaabaynayaa qaabkii hore ee ay u wadeen rabitaankooda ah in ay helaan Xorriyad ama Gooni-u-goosi

dalalka aan la aqoonsanKulankan oo ka dhici doona meel u dhaw xarunta Midawga Yurub ee ku taala dalka Biljimka ee Brusells ayaa waxa isugu iman doona dhamaan Dalalka ku bahoobay Ururkaas oo kala ah:- AbkhaziaAfrikanerAhwaziAssyriaBalochistanBarotselandBatwaChinChittagong Hill TractsCircassiaCordillera, Crimean Tatars, Degar-MontagnardsEast TurkestanGilgit BaltistanHaratinHmongHungarian Minority in RomaniaInner MongoliaIranian KurdistanIraqi KurdistanIraqi TurkmenKhmer KromKosovaLezghinMapucheMoroNagalimOgadenOgoniOromoRehoboth BastersSindhSomalilandSouth MoluccasSouthern AzerbaijanSouthern CameroonsTaiwanTibetVhavendaWest BalochistanWest Papua,Zanzibar.

Kulankan ayaa ujeedadiisu tahay In meel la dhigo dadyawga kala duwan, Jinsiyadaha, dhaqamada iyo kooxaha Diimaha ee isku xuduud ku yaalaa waxay u muuqdaan in uu wali ka dhex taagan tahay Dood dimuquraadi ah iyo xaaladdo isku fac ah oo midaysa dad dhaqamo iyo Diimo kala duwan leh oo ka kala yimi dalal kala duwan, kuwaasoo isku baahan oo ay midaynayso Adduunyada isku xidhani.

Dad badan oo dhaqamo kala duwan wata oo kala ah dawladdo kala duwan ayaa doonaya in ay hoosta ka soo dhisaan sidii ay isku aqoonsan lahaayeen, waxaanay dadkaasi heegan ugu jiraan sidii ay u rumayn lahaayeen rabitaankooda Gooni-u-goosad iyadoo fikirkani dunida meelo badan ka jiro gaar haan Yurub meelaha dadka laga tirada badan yahay ku nool yihiin ee Baraflayda ah.

Hadaba Ururka Dawladdaha Aqoonsi raadiska ah ee aan xubnah a ku lahaynQaramada midoobay ayaa dedaal ugu jira sidii loo qaabayn lahaa isla markaa looga shiraacan lahaa qiyaastii hore ee Xorriyad doonistoodu halkii ay taagnayd, waxaanay qabanayaan kulan laba maalmood qaadanaya kaasoo lagu sahamin doono qaabka ugu haboon ee lagu raadin karayo Madax banaanida la doonayo.

Kulankan ayaa waxa lagu gorfayn doonaa wixii laga bartay casharadii hore ee la soo maray, isla markaana waxa lagaga hadli doonaa sidii loo adkayn lahaa isku xidhnaan intii hore ka badan oo lagu salayn doono dhinacyada dhaqaalaha , Arrimaha bulshada, dhaqanka iyo dhisme siyaasadeed oo kobciya dagaalka Xooriyad doonisnimo ee Qarniga 21aad.

Shirka Dalalka Aan la ictiraafsanayni waxa uu ka dhici doonaa Brusels, gaar ahaan meel ku dhaw xarunta talada iyo siyaasadda Midawga Yurub lagu sar-gooyo, iyadoo sodonka bisha march ay xubnaha dawladaha ka mid ah Ururka Dawladaha an la aqoonsani ka qayb qaadan doonaan isu-soo bax balaadhan kaasoo ay maal-gelinayaan guddida Calamiga ah ee ay ku bahoobeen dalalka midawga Yurub.

Si kasta ha ahaatee, lama oga in Somaliland ka qayb gali doonto kulankan oo ay ka soo qayb gali doonaan dadyaw kala duwan isla markaana lagu martiqaaday Dawladdo waaweyn, oo ay hormood ka yihiin midawga Yurub, maadaama Somaliland qayb ka tahay Dalalka Xorriyadooda la soo noqday ee dhistay Qaran u qalma in uu helo taageerada beesha Caalamka.

Brussels SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed