Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhigyo ka sameysanaya Dhuusamarreeb -Sawirro
Dhuusa Mareeb 01.March 2014 (SDN)- Cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxayna rabaan inay saldhigyo ka sameystaan magaalada.
Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada Dhuusamarreeb, saraakiisha Ahlu Sunna iyo kuwa ciidanka dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa kulanka kaddib u sheegay warbaahinta inay ciidanka Itoobiyaan saldhigyo ka sameysan rabaan magaalada, isla markaana ay ka codsadeen maamulka iyo dadweynaha degmada inay ka caawiyaan sidi ay ula dagaallami lahaayeen kooxda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka.
Geeda-qorow ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in kooxda Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay uga sugan tahay gobolka.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Itoobiya, balse ka mid ah howlgalka AMISOM ay gaaraan magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dhowaan ayaa lagu wadaa inay ciidamada billaabi doonaan howlgal milateri oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Dhuusa Mareeb SDN.
Qurbejoog.com