|

Taliye ay Somaliland Dayacday oo Si Mug Leh loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe

Garowe 01.March.2014 (SDN)- Taliyihii hore ee ciidanka ilaaladda madaxtooyadda Somaliland Abokor Sulub Dhab-dhable oo saddexdii sanadood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaaladda Gobolka Buuhoodle ayaa galay magaaladda Garoowe, ka dib markii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka cusub ee Puntland ay ka dalbadeen inuu yimaado Garoowe si ay ugu dhiibaan mansab sare oo uu ka qabto ciidammada maamul goboleedkaasi.

Abokor SulubWarku waxa uu intaasi ku daray in Abokor Sulub uu ku sugnaa magaaladda Garoowe ee maamul goboleedka Puntland saddexdii maalmood ee la soo dhaafay isla markaana uu soo dhawayn balaadhan kala kulmay maamuleyaasha dawladda Puntland.

Abokor Sulub Dhab-dhable waxa sida la sheegay weheliya nin  la yidhaahdo C/Kariim Ismaaciil Dhawle mar sheegan jiray inuu Somaliland u yahjay taliyaha qeybta Booliska Buuhoodle oo  isaguna u dhashay deegaankaas.

Abokor Sulub waxa uu Taliyaha ciidanka ilaaladda madaxtooyada ahaa xukuumadihii iska dambeeyay ee Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu mansabkaasi waayay ka dib markii ay xukunka la wareegtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo 2010-kii, xiligaasi oo uu u kicitimay inuu deegaanka miyiga Buuhoodle waxaanu xiligaas sheegayay inuu xoolo ku dhaqday deegaankaas.

Waxa uu xilal taliye Guuto ah ka soo qabtay Ciidanka Qaranka Somaliland ka hor intii aanu noqon Taliyaha ciidanka ilaaladda Madaxtooyadda, waxaanu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Madaxtooyadda 29-kii October 2008-kii. Xiligaas oo lagu soo dabiibay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed