|

Muqdisho: Nin Gawracay Xaaskiisii Oo Uur Siddeed Bilood ah Lahayd Saaka

Muqdisho:01-March-2014(SDN)-Dhacdooyinka Naxdinta iyo Argagaxa Leh ayaa ku sii Badanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waxana Saaka Ka Dhacday mid in badan maskaxda Dadka Ka Sii Dhex Guuxi Doonta.

gagWararka aanu Ka helayno Degmada Kaaraan ayaa sheegay in Nin Shacab ahi uu Saaka Subaxii Hore Mindi Qudha ka Jaray Xaaskiisii oo lahayd Uur Siddeed Bilood ah.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Haweenayda Dhimatay in Ninkeedu ay Daqiiqado Kooban murmeen, kadibna uu Toorray u xidhnayd la soo Baxay, isla-markaana ku Gawracay oo ay Halkii Naftii kaga Baxday.

 

Midka ka mid ah Dadkii ay Jaarka ahaayeen Haweenayda Dhimatay ayaa xaqiijiyey in Haweenayda La Dilay ay Carruur Saddex ah u Haysay ninka Dilay, halka ay ka Haysatay mid kale oo ay Nin hore u soo Dhashay.

Dadka xaafadda ayaa yaab iyo anfariir la joogi waayay, waxaana haatan leysku diyaarinayaa sidii loo aasi lahaa meydka gabadha la dilay.

Saddex cisho ka hor ayey ahayd markii ay Haweenay  Isla magaalada Muqdisho ku Dishay Ninkeedii iyadoo  u adeegsatay Xabad, waxana ka Horraysay nin Kale oo isaguna Haweenay iyo Wiilkeedii Toorray Ku Dilay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed