Ruushka oo farogelin ciidan ku sameeyay Ukraine iyo Obama oo la sugayo tilaabada uu qaado
Ciidamada dalka Ruushka ayaa guddaha u galay dalka ay deriska yihiin ee qalaalasaha siyaasadeed uu hareeyay ee Ukraine iyo madaxweynaha Mareykanka oo garawaayay si uu uga jawaabo tilaabadaas.
Ciidamada dalka Ruushka ayaa la arkayay iyaga oo isku hareeyay xarumaha dawladeed ee magaaaldaCrimea oo ah degaan ay aad ugu badan yihiin dad asalkoodu yahay Ruush.
Dawladaha reer Galbeedka ayaa si siyaasadeysan uga jaawabay faro gelinta Ruushka ka dib kolkii ay saxaafadu soo bandhigtay ciidamda Ruushka oo dhex mushaaxaya dalka Ukraine.
Madaxweyne Barak Obaama ayaa sheegay in Ruushka looga baahan yahay in uu xaqdhooro madaxbanaanida Ukraine isla markaana dalalka caalamku ay canbaareeyaan farogelinta ciidan ee Ruushka.
SDN-Crimea
contact@somalidiasporanews.com