Burcad-Badeed Soomaaliya oo Markab ku weeraray badaha dalka Pakistan
Islamabad March 01,2014(SDN)-Burcad-Badeed Soomaali ah ayaa baddaha dalka Pakistaan ku weeraray markab laga leeyahay dalka Bangaladesh oo ku sii jeeday dalka Iran,sida ay daabacday barta Internet-ka ee thedailystar.com.
Markabka ayaa burcadu ku weerartay meel xeebaha dalka Pakistan 400 oo notical mils oo ah cabirka baddaha.
Markabka MV Crystal Gold oo laga leeyahay dalka Bangaladesh ayaa ah mid u siday xamuul dalka Iran dekediisa Bender Abbas.
Markabka ay Burcad-Badeedu weerartay ayaa la sheegay in haatan uu ku siijeedo dhanka xeebaha dalka Pakistaan,lama sheegin sababta.
Sidaas oo kale waxaan la garaneyn sida markabku uga badbaaday weerarka iyo xaga ay mareen Burcadii weerarka u sababta ahaa,
SDN-Islamabad
contact@somalidiasporanews.com