|

Tahriibeyaal Badda ku qubay qaar ka mida Rakaab la saarnaa Markab Yurub ku sii jeeday oo Libiya ka shiraacday

Tripoli March 01,2014(SDN)-Sarkaal ka mida ciidamada dalka Libiya ayaa saxaafda dalkaas u sheegay in Tahriibeyaal ku sii jeeday Qaarada Yurub ay badda ku qubeen qaar ka mida rakaab la socday markab ay saarnaayeen.

Col Ayuub Qaasim ayaa sheegay in Tahriibeyaal Soomaali ah oo tiradoodu tahay 107 ruux oo isugu jira Rag,Dumar iyo Caruur in ay ciidamadu ka soo badbaadiyeen meel aan ka fogeyn xeebta magaalada Tripoli ka dib kolkii doon ay la socdeen ay badda ku kharaabtay.

Sarkaalku waxa uu sheegay in dadkii ay badda ka soo badbaadiyeen in ay ciidamada u sheegeen in ay ilaa todoba ruux badda ku tuureen si doontu aaney u degin.

Dalka Libiya aya aintii xilka laga tuuray Madaxweyne Qadaafi noqday goobta ugu tahriibayaasha ugu badani Yurub uga anbabaxaan iyada oo sanad walbana ay halkaa ku geeriyoodaan boqolaal ruux sanad walba.

SDN-Tripoli
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed