Wasiirka Arrimaha Dibeedda Somaliland oo eryay shirkad Mareykan ah oo Ictiraafka ka Caawineysay iyo mid cusub oo uu ku bedelay
London Feb 19,2014(SDN)-Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis ayaa eryay shirkad Mareykan ah oo Somaliland ka caawin jirtay baadi-goobka Ictiraaf,isla markaana ku bedeshay shirkad laga leeyahay dalka Britain.
Shirkada Mareykanka oo la oran jiray Glover Park ayaa aheyd mid takhasus gaara u leheyd ololaha siyasadeed.
Halka Shirkadan Britishka ah oo la yiraahdo Mercury Public Affairs uu takhasuuskeedu ku kooban yahay uun qoraalada diblomaasiyadeed.
Wasiir Biixi oo reer Somaliland ay ku farxeen magacaabistiisii ayaa la filayay in uu dar dar geliyo siyaasada arrimaha Dibedda ee Somaliland,balse waxa uu haatan u muuqdaa ruux ku hawlan dilaalka shirkadaha damacsan in ay xiriir la yeeshaan Somaliland.
Shirkada Glover Park oo hore uga soo shaqeysay aqoonsi doonka dalal ay Bosnia ka mid tahay ayaa Somaliland ka qaadi jirtay uun $20,000 oo dollar bishii.
Shirkada Cusub ee British-ka ahina waxa la sheegay in ay iyana intaa uu noqon doono kharashkeedu.
Xukuumada Somaliland ayaan ila iyo haatan shaacin isbedelka ay ku sameysan labadan shirkadood aan isku dhigmin.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com