War Naxdin Leh: Afar Ruux oo Ku Naf Weyday iyo Kow iyo Toban ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Duleedka Burco
Burco 19.Feb 2014 (SDN)- Afar ruux ayaa ku geeriyooday 11kalen way ku dhaawacmeen shil baabuur oo Maanta ka dhacay deeganka yaroowe oo ka tirsan Degmada Burco ee gobolka togdheer
dadka geeriyooday ayaa waxa ku jiray wiil yar oo lix bilood jiray kaasi oo wakhtigaasi ay siday hooyadii oo ka mid ahayd rakaabka saarnaa baabuurkaasi.
gaadhigan oo ah nooca loo yaqaano Iska rogo amase loogu Yeedho shaampoo-ga qaadana rakaab u badan dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxa uu ka magaalada burco isagoo wakhtigaasi u sii jeeday deegaanada yaroowe iyo naq-dhamiijo oo hoos yimaada gobolka togdheer,
Wadihii baabuurkan ayaa hadda ku xidhan saldhiga xerada taraafikada isagoo baadhis lagu wado halka baabuurkiina ciidamada taraafikadu soo jiideen .
Nin lagu magacaabo Cilmi jaamac oo ka mid ahaa rakaabkii saarna baabuurkaasi isla markaana dhaawac madaxa ah qaba ayaa Shabakada Qurbejoog.com oo Khadka Telefoonka Kula Hadashay u sheegay in markii ugu dambaysay ee uu xasuusto ay ahayd gaadhigaas oo liic-liicaya ama kolba haad u leexanaya
Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka togdheer gaashanle Cabdi muuse ayaa shegay in wali lagu daba jiro sababta rasmi ah ee keentay inuu gaadhigani dhaco ilaa xalayna ugu hawl jireen
Gudoomiye ku xigenka Gobolka togdheer Maxamed Maxamuud Yusuf Ubaxle ayaa sheegay in Maamulka gobolku gurmad xoogle u galay sidii dadka dhaawaca loogu samayn lahaa la tacaalid wixii ay u baahnaayeen.
Burco SDN.
Qurbejoog.com