Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan la Qaatay Ergadii Guurtida,iyo Shirgudoonka Wakiilada Soona Dhaweeyay Go’aanka Sawiro
Hargaysa 19.Feb 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ergadii Golaha Guurtida ee Isu Xilqaantay soo afjarida Khilaafkii ka Dhex taagnaa Golaha Wakiilada, Iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada .
Gudidan oo ay Hor kacayeen Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida,Mudane Siciid Jaamac Cali , Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro,Ku Xigeenkiisa 1aad iyo 2aad Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Aw Yuusuf .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo kulankaasi kadib waxa uu soo dhaweeyey go’aanka la isla qaatay waxaanu sheegay inuu ka madaxweyne ahaan soo dhawaynaayo wax walba oo ay meel isla dhigeen Labada golle, ka madaxweyne ahaana uu diyaar marwalba u yahay wixii danta ummadda iyo ta Qarankuba ay ku jirto, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay go’aanka qiimaha badan ee ay ku soo afjareen golaha guurtidu hawshaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com