|

Nin Burcad Badeed loo heystay oo qaxootinimo ka dalbaday Mareykanka

Washington Feb 19,2014(SDN)-Nin Soomaali ah oo mudo dalka Mareykanka loogu maxkamadeynayay ka dib kolkii lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa rag Burcad badeed ahaa oo afduubtay markab mareykan ah ayaa haatan dalbanaya qaxootinimo.

Cali Maxamed Cali oo maxkamad la saaray isla markaana ku guul dareystay in lagu helo Burcadnimo ayaa haatan ay dhici kareysaa in uu dalbado in uu dalkaasi ku noolaado.

Cali ayaa ciidamada amaanka Mareykanku ka qabteen Gegida duyuurada ee New York kiyoo booqanaya dalkaasi.

Televisionka BBCda ayaa muuqaalka Cali maxamed Cali laga daawaday mar uu sharaxayay sida burcadu u qaado weerarada isla markaana ay u qeybsato lacagaha ay madaxfurashada ku helaan.

Warbaahinta Mareykanka ayaa aad uga waramayay maalmihii ina dhaafay ninka Burcad badeeda in uu u ahaa turjumaan lagu maxkamadeeyay ee hadana ay dhici kareyso in dalkooda uu megen-gelyo weydiisto.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed