Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Nabadsugidda Jubba Land oo Koodii Hore Shabaabku Khaarajiyeen
Kismayo:19-Feb-(SDN)- Ka dib dilkii Habeen Hore loo Geystay Taliyihii Hore ee Ciidanka Maamulka Jubba ayey Maamulkaasi Magacaabeen Taliye cusub oo ay Yeelan doonaan.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka KMG ah ee Jubba Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Axmed Ibraahim Niiniile inuu noqdo taliyaha KMG ah ee nabad sugida Kismaayo.
Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka Ciise Kaambooni oo ahaa taliyihii hore ee Nabadsugidda Maamulkaas, iyadoo maamulka kMG ah ee Jubba ay wacad ku mareen iney u aargudi doonaan sarkaalkaas.
Ku dhowaad 10 qof ayaa lagu dilay howlgalo ilaa iyo shalay ay ciidamada maamulka Jubba ka sameeyeen magaalada Kismaayo kuwaasoo ahaa shacab, dad kale oo badana waa la xidhxidhay, waxaana lagu tuhmay dhamaan dadkan iney qeyb ka yihiin Al-shabaab.
Taliyahan cusub oo aan warbaahintu wax badan ka Aqoonin ayaa laga yaabaa inuu dhawaan hawshiisa bilaabo, waxana u taalla Hawl adag oo la xidhiidha xasillinta iyo ka hortagga weerarrada kooxda Alshabaab ku hayso maamulka uu ka Tirsan yahay.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanew.com