Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Sii Daayey Sagaal Sarkaal oo uu HOre Xabsiga Ugu Taxaabay iyo Magacyadooda
Hargeysa:19-Feb-2014(SDN)-Kooxdii Saraakiisha ahayd ee Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Xidhxidhay, ayaa la sii Daayey Sida ay Qurbejoog u xaqiijiyeen Ilo ku Dhaw Ciidanku.
Toddobaddii hore ee Taliyuhu xidhay ayaa soo Dayntooda la Raaciyey Saddex Sarkaal oo iyagu hore u xidhnaa kiiskoodana aan faahfaahin laga bixinin.
Lama oga sii dayntooda waxa sababay saraakiisha Ciidankuna kamay hadal , laakiin waxa lagu war helay Amar xagga sare ka yimi oo shlaay Galabtii lagu sii daayey saraakiishaas, kaasoo Ooda lagaga qaaday kuwii Dorraad iyo kuwii Shalayba.
Ilaa hada waxa xidhan sadex sarkaal oo Laba Maalmood ka hor loo dhaadhiciyey dhinaca Mandheera, kuwaas oo aan la ogayn in ay sii dayntan ku jiraan iyo in si gaar ah iyaga loo haysto, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan in la sii wada daayey.
Saraakiisha Shalay la xidh xidhay iyo kuwii hore oo dhamaystiran magacyadoodu waxay kala ahaayeen:-
1. Col. C/raxmaan Dacar
2. Col. Maxamed Batuun
3. Col. Cabdi Daahir
4. Col. Ibraahim Cali
5. Captain Tukaale
6. Captain Maxamed Cismaan
Magacyada Saraakiisha Manadheera loo taxaabay waxay kala ahaayeen
1. Laba Xidigle Khadar Haybe
2. Laba Xidigle Kayse C/laahi
3. Laba Xidigle Siciid.
Magacyadda Sadexda Shalay la xidhay ee isla shalayna la sii daayey waxay kala yihiin:-
1. Captain Abiib Af-weyne
2. Laba Xidigle Cige
3. Laba Xidigle Xuseen Daahir.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanew.com