|

“Waxaan Leeyahay Maanta Ma Lihi Tol Aan Shacabka Reer Somaliland Ahayn, Waxaanan Hoos Taaganahay Calankayga Iyo Ciidayda Hooyo Ee Somaliland” Nimcaan Brain Bowden

Hargaysa 18.Feb 2014 (SDN)- Nimcaan Brain Bowden oo dadiisu tahay 26 jir Agoon iyo Rajay ah oo ku dhashay Somaliland kuna nool caasimada Hargeysa ee Somaliland oo aabihii dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in guri dhaxal ah oo aabihii ka dhintay oo ku yaala ka soo horjeeda xarunta Komishanka Doorashooyinka laga iibiyey ganacsade reer Somaliland, isla markaana Xukuumada iyo shacabka Somaliland ee uu ku dhex nool yahay ugu baaqay in arintaasi looga soo gurmado.

Nimcaan-Bowden.jpg2Nimcaan ayaa intaa ku daray in Gurigan dhaxalka ah ee aabihii uu ka dhintay ay Aayadii ka iibisay Ganacsadaha Ina Xarbi, isla markaana aan laga tala galin, lana ogaysiin iibka dhulkaasi dhaxalka ah ee ku yaala Xaafada Shacabka.

 

Nimcaan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay noogu yimid xarunta Wargeyska Haatuf waxaanu sheegay in aabihii oo ka soo jeeday dalka Ingiriiska uu Somaliland yimid 1958-kii xiligaas oo Somaliland ay ku hoos jirtay Mustacmaradii Ingiiska, kaas oo ahaa Injineer ka shaqaynayey dhinaca biyaha Somaliland ka hor intii 1991-kii aan lagu dilin Xamar oo uu shaqo u tagay.

 

Nimcaan Brain Bowden oo arintaa Gurigaasi/dhulkaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anigoo magacaygu yahay Nimcaan Brian Bowden waxaan xukuumada iyo shacabka Somaliland u sheegayaa in nin ganacsade ah oo reer Somaliland ah laga iibiyey dhul dhaxal ah oo uu ka dhintay Aabahay, dhulkaasi oo ku yaala ka soo horjeedka Komishanka doorashooyinka qaranka ee xaafada Shacabka, waxaana dhulkaasi iibisay Gabadh ii Aayo ah iyadoo aan la igala tashan waxna aan la iga soo gaadhsiin dhaxalkaasi aabahay ee la iibiyey.

 

Sidaa darteed waxaan xukuumada iyo Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in arinkaasi sida ugu dhakhsaha badan wax la iigala qabto, gaar ahaan waxaan baaq u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in arinkaasi wax laga qabto maadaama oo aabahay ka soo jeeday dalka Ingiriiska oo anigu aan Somaliland ku dhashay kuna koray iyadoo aabahay lagu dilay Muqdisho 1991-kii, waxaan leeyahay maanta ma lihi tol aan shacabka reer Somaliland ahayn, waxaanan hoos taaganahay calankayga iyo ciidayda hooyo ee Somaliland oo aan magansaday.

 

Aayaday markii ay dhulkii dhaxalka ahaa ee aabahay ay ka iibisay ganacsadaha Ina Xarbi ayaa waxa ay doonaysaa inay u dhoofto dalka Ingiriiska oo ay dalka ka baxdo sidaa darteed waxaan codsanayaa in wax la’igala qabto.

 

Gurigii iyo dhaxalkii aabahay waxa maanta oo u dambaysay inta cagaf la galiyey laga dhisayey dayr oo aan indhahayga ku soo arkay, sidaa daraadeed codsiyo hore oo aan u diray dawladana waxba la iigama qaban.

 

Aabahay oo Somaliland yimid ilaa kontonaadkii ayaa waxa uu lahaa dhulkan ilaa 1974-kii oo la siiyey, guriga ka dhisan oo qadiimi ahna uu gacantiisa ku dhistay, wixii ka dambeyey dilkiisii oo 1991-kii mar uu Xamar shaqo u tahay lagu dilay, dad kale ayaa iskaga jiray gurigaasi, dadka kalena haday iska daganaayeen aniguna daymada ayaan kula socday. Sidaa darteed waxaan magacan arintaasi uga ahay xukuumada Somaliland maadaama oo aan dalka idinla joogo oo aanan tol iyo xigto toona ku lahayn”.

XIGASHO: WARGEYSKA HAATUF

Comments are closed