Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka oo Xabsiga ku Guray Saraakiil Ciidanka ka Tirsan
Hargaysa 18.Feb 2014 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqale ayaa shalay xabsiga u taxaabay saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, kuwaas oo uu qaarkood u dhaadhiciyey xabsiga Mandheera, halka kuwo kalena Taliska Guud uu ku xidhay.
Taliye Ismaaciil Shaqale lama oga sababta rasmiga ah ee uu saraakiishan xabsiga ugu taxaabay, hase yeeshee ilo wareedyo kala Duwan ayaa talaabada uu qaaday Taliyuhu ku sheegaya in lagu eedaynayo arrimo la xidhiidha hawl maalmeedka shaqo.
Saraakiisha Xabsiga uu dhigay Taliye Shaqale waxa ay kala yihiin:-
1. Col. C/raxmaan Dacar
2. Col. Maxamed Batuun
3. Col. Cabdi Daahir
4. Col. Ibraahim Cali
5. Captain Tukaale
6. Captain Maxamed Cismaan
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranku waxa uu Xabsiga Mandheera u diray doraad sadex Dhakhtar oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, kuwaas oo kala ah:-
1. Laba Xidigle Khadar Haybe
2. Laba Xidigle Kayse C/laahi
3. Laba Xidigle Siciid.
Ilo wareeedyada Warkan aanu ka helnay ayaa sheegaya in saraakiishan qaarkood lagu eedaynayo in ay ku kaceen Habsan shaqo, halka kuwo kalena lagu eedaynayo in ay sameeyeen amar diido.
Si kasta ha ahaatee saraakiishan ayaa ah kuwii ugu badnaa ee Taliye Shaqale xabsiga ku guro, maadaama nidaamka Ciidamaddu yahay mid adag.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com