Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan Wada Tashi ah la Qaatay Qaybaha Saxaafada
Hargaysa 18.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee JSL Md Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta weriyayaasha iyo wakiilada laamaha saxaafdda uga furay kulan hawleed lagaga tashanayo kaalinta saxafaddu ka qaadan karto diyaarinta diiwaangelinta muwaadinka iyo la dagaalanka Qabyaalada.
Kulankaasi oo ay ka qayb qaadanayeen in ka badan konton Suxufi oo ka kala tirsan warbaahinta Somaliland ayaa waxa kaloo ka soo qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda arimaha Gudaha ee JSL.
Md Cali Maxamed Warancadde waxa uu halkaa ka xusay in qabyaaladdu tahay shay Qaran dumis ah isla markaana aanay haboonayn inay ka muuqato saaxadda siyaasadeed iyo ta bulsho ee Somaliland, xilli ay Jamhuuriyadda Somaliland tiigsanayso dunida inteeda kale.
Isagoo ka hadlayey dhinaca diiwaangelinta Qaranka wasiirka arimaha guduhu waxa uu sheegay in diiwaangelintu noqon doonto labo qaybood oo kala ah: Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha, kuwaasoo kala qabsoomi doona labo xilli oo kala dambeeya.
Wasiirka Arimaha guduhu waxa uu ugu baaqay saxaafadda dalka inay mas’uuliyad iska saaraan hawsha diiwaangelinta oo noqon doonta talaabo muhiim u ah qorshayasha qarankani u marayo aqoonsi caalami ah oo uu beesha caalamka ka helo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com