AMISOM Oo Ku Lug Yeelatay Inay Al-Shabaabku Si Fudud Gacanta Ugu Dhigaan Hub Tiro Badan
Muqdisho:18-Feb-2014(SDN)-Shacabka Ku Dhaqan Meelaha ay Joogaan Ciidamada Amisom ayaa sheegay inay Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ay kaalin weyn ku Leeyihiin inuu Hubku si fudud ugu Gudbo Kooxda Al-shabaab.
Eedahan Shacabku u jeediyey ciidankan ayaa cuskanaya Caddaymo muuqda oo la xidhiidha inta Badan Hubka ciidanka AMisom siiyo Ciidamadu uu yahay mid aan Lahayn Numberka isdaba-socodka ah ee Hubka lagu Tixraaco.
Qaar ka mid ah shacabka reer Muqdisho oo Arrimaha Hubka ku Xeeldheer ayaa xusay inay indhahooda ku Arkeen Hub tiro badan oo aan lahayn Numberka Tixraaca oo ciidanka Amisom siiyeen Askar ka Tirsan ciidanka Soomaaliya oo iyaguna ku Dhiirrada inay hubkooda ka Iibiyaan Kooxda Al-shabaab.
Ciidanka ayaa Hubka fudud ee ay siiyaan Ciidanka Dawladda ka soo Masaxa Numberrada si aan loo Helin wax Tixtaac ah oo Hadhaw lagaga Daba iman karo, waxana ay taasi Muujinaysaa inay ku soo Talo galeen inay iibiyaan Hubka markii ay u baahdaanba.
Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabagalka Hubka ayaa dhawaan Sheegtay in Hubkii loogu Talo galay Ciidanka Dawladdu uu Gacanta u Galay Kooxo Islaamiyiin ah, waxana taas si weyn uga Walaacay Qaramada Midoobay iyo Waddamada Daneeya Nabadda Soomaaliya oo ay Ethiopia ugu Horrayso.
Arrintan ayaa Daba socota iyadoo hore ciidamada Amisom loogu Eedeeyey inay Lacago Laaluush ah ka Qaataan Ganacsatada Isticmaasha Dekedda Muqdisho si loogu Fudaydiyo Hawlahooda, waxana sii Kordhaya Walaaca Shacabku ka qabaan Aaminaadda Ciidankan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com