|

Soomaali lagu qabqabtay inta u dhexeysa Magaalooyinka Garisa iyo Wajeer

Garisa Feb 18,2014(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay qabtee Soomaali tobaneyo ah oo dalkooda ku galay sifo aan shrci aheyn.

Soomaalida oo aheyd dhalinyaro saaran bus ku sii jeeday magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegeen in ay ahaayeen tahriibeyaal ku sii jeeda dalka Konfur Africa.

Taliyaha ciidamada Gaarisa Rashiid Khator oo saxaafada uga waramay xarig dhalintan ayaa sheegay in ay siteen waraaqo aqoonsi oo been abuur ahaa.

Taliyuhu waxa sidoo kale uu sheegay in ganacsatada Gobolka Woqooyi bari ugu waaweyn in ay ka ganacsadaan sidii ay dadkan bilaa sharciga ah dalka Kenya u geyn lahaayeen.

Dhalinyarada ayaa lagu qabtay wada weyn ee isku xirta Gaarisa iyo Wajeer oo ay ka socdeen hawlgalo amniga lagu sugayo.

SDN-Garisa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed