|

Duuliye Itoobiyaan ah oo Dyuuradiisii ula baxsaday Switzerland ka dibna qaxootinimo dalbaday

Geneva Feb 17,2014(SDN)-Duuliye u dhashay dalka Itobiya oo ku sii jeedeyay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa duyuuradii iyo rakaabkii la socdayba ula goostay dalka Switzerland ka dibna qaxootinimo dalbaday.

Duuliyahan oo ahaa ku-xigeen ayaa da’diisa lagu sheegay dhawr iyo sodon jir waxaana loo taxaabay xabsiga kolkii ay duyuuradu cago dhigatay Geneva.

Sanadii 1996dii ayaa sidan oo kale mar loo Afduubtay duyuurad Itoobiya laga leeyahay waxa ku geeriyooday 125 ruux ka dib kolkii duyuuradu shidaalkii uga dhamaaday badweynta Hindiya,ruuxii afduubay oo doonayay in Australia la geeyo awgeed.

Duuliye xigeenka ayaa Duyuurada la wareegay ka dib kolii uu Captankii Duyuurada Suuliga tegay,ku-xigeenkiisa ayaa deeto ilbaabka xaga hoose ka xirtay.

Ma aha markii u horeysay ee uu Duuliye afduubo duyuurad uu wetay,sanadii 1998dii ayaa Duuliye China u dhashay waxa uu duyuuradisii u weeciyay Taiwan ka dibna uu halkaas iska dhiibay.

SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed