Dhacdo Cusub: Wasiirka Duulista Somaliland oo Amar ku Bixiyay In Qolka VIP ee Madaarka Hargaysa ee Madaxweynaha u Gaarka ah u Furay Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia
Hargaysa 17.Feb 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Baarlamaanka dawlada Xamar oo la socday diyaarad ka soo qaaday Xamar oo shalay kula hakatay madaarka Hargeysa ayaa qadar 30 daqiiqo ah ku nastay qolka VIP-da ee u gaarka ah Madaxweynaha Somaliland ee Cigal International airport kadib makrii wasiirka duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi amar ku bixiyey in loo furo qolkaa
Maxamed Cismaan Jawaari oo ka mid ahaa rakaab u sii jeeday magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa isagu diyaaradii mar kala soo dhaadhacay rakaabkii safarkoodu ku ekaa Hargeysa isagoo leh ‘waar meel aanu sigaar ku cabno na siiya’.
Maamulka Xamar ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Maxamuud Culusow, Jawaarina yahay gudoomiyaha Baarlamaankiisa ayaa waxa caasimadii dalkooda ee Muqdisho ku ilaaliya maganna ugu yihiin ciidamada shisheeye ee AMISOM.
Hase yeeshee Maamuladii isku xigay ee 22-kii sanadood ee ina dhaafay soo maray Somalia ee wada fashilmay oo uu u dambeeyey kan Xasan iyo Jawaari madaxda ka yihiin ayaa waxa dhaqamadooda ka mid noqday inay si isla yaabitiin la’aan ah oo xishoodka ka aradan iskaga sheegtaan inay xukumaan dhulka Jamhuuriyada Somaliland.
Dhacdadan wax yar ka hor waxa madaarka Hargeysa ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyadoo uu dhagax dhigay mashruuc lagu hirgalin doono 1.8KM oo lagu kordhinayo dhabada diyaaradaha (runway) ee garoonka Hargeysa.
Mashruucan oo la sheegay qaybtan cusub ee lagu kordhinayo dhabaha diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay maalgalinayso dawlada Kuwait ayaan ilaa hada la ogayn cida la siiyey qandaraaskii lagu fulinayey hawshaas.
Xigasho: WARGEYSKA HAATUF