|

Xog Isweydaarsi ku Wajahan Baahiyaha Dabiiciga ah ee Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 17.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Maanta Huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa ka Furay Kulan Hawleed ay ka qayb qaadanayaan Saraakiisha Sare ee Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland kaas oo Lagaga Hadlayo Horumarka Mustaqbalka Dhow Ay Ku Talaabsan Doonaan Ciidamada Ilaalada Badu.

baddakulan kan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha oo kaashanaysa midowga yurub

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Mr, Mark Wayne oo ahaa madaxa mashuurcan wuxuuna  u mahad naqay kasoo qayb galayaashii isagoo iftiimiyey muhimadda uu kulankani uleeyahay Ciidanka ilaaladda Xeebaha Tababarkana uu noqon doono xog is waydaarsi dhinaca baahiyaha dabiciiga ah ee ay ilaalada xeebaha u baahayihin iyo dhanka shuruuc ka  dhisidana ay si wayn kala shaqayn doonaan , Elisa oo ka socotey Eu Cap ayaa sheegtey in aanay tababaraddu intan ku koobnaan doonin ee dhawaana ay bixin doonaan tababaro kale.

Talliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha iyo Taliye ku xigeenka ayaa iyaguna ka warbixiyey muhiimadda uu u leeyahay kulankani,

Gababaddii waxaa soo afmeeray kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland isaggoo uu wasiirku sheegey in dhawaan Ciidamadda ilaaladda Xeebuhu ku tababaran doonaan doonyo ay leedahay Somaliland, waxaanu dardaaran dheer usoo jeediyey Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha, isagoo sheegey inay wadankoodda heegan u ahaadaan habeen iyo maalinba, kana ilaaliyaan baddooda, kaluumeysatadda sharcidaradda ah, kootarabaanka , budh-cad badeeda iyo waliba dadka sida sharcidaradda ah xeebaha wasakhda ugu soo tuuraya. Siminaarka ayaa socon doona Saddex Cisho oo danbe.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed