|

Nin Soomaali ah oo la sheegay in uu Qaraxyo u maleegayo dalka Ugandha oo Nairobi laga baadigoobayo

Nairobi Feb 13,2014(SDN)-ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi ka baadi goobaya nin la sheegay in uu hogaamiye u yahay koox xagjiriin Soomaali ah oo doonaya in ay weeraraan magaalada Kampala ee dalka Ugaandha.

Sida saxaafada Kenya ay ka soo xigatay sarkaal diiday in magaciisa uu shaaciyo ninkan Soomaaliga ah ayaa la aaminsan yahay in uu ku dhuumaaleysanayo magaalada Nairobi.

Cumar Khalid ayaa lagu sheegay in uu yahay madaxa kooxda ay safaarada Mareykanku sheegtay in ay u qorsheysan tahay weerar ka dhan ah Kampala.

Ciidamada amaanka ee dalka Ugaandha ayaa tiro dhawr jeer bilihii ina dhafay shaaciyay khataro weerar oo kaga soo wejahan kooxda Al Shabaab oo ay ciidamadoodu dagaal kula jiraan Shabaabka Soomaaliya.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed