|

Qurbejooga reer Jabuuti oo Caqabado kala kulma Airportka Jabuuti iyo mucaaridka dalalka reer Galbeedka wargeliyay

Ottawa Feb 12,2014(SDN)-Qurbejooga reer Jabuuti ayaa ka cabanaya in kolka ay dalkoodii dib ugu noqdaan in lagu cadaadiyo Garoonka Duyuuradaha ee Jabuuti.

Sida ay nala soo socodsiiyeen qaar ka mida jaaliyada reer Jabuuti ee Canada iyo wakiilka dalada mucaaridka Jabuuti ee Canada ayaa noqotay mid ay caadeysteen shaqaalaha Airportka Jabuuti.

Wakiilka dalada mucaaridka Jabuuti ee USNu fadhiya Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa inoo sheegay in Qurbejoogu haatan ku hawlan yihiin sidii arintan ay ugu gudbin lahaayeen dawladaha reer Galbeedka.

Qurbejooga ayaa waxyaabaha lagula kaco waxaa ka mid ah passports ka oo laga qaado iyo xarig loo geysto.

Waxaana jira dhawr ruux oo Canada ka tegay oo ay dawlada Jabuuti xadgudubyo u geysatay oo haatan ay Qurbejooga Canada xaaladooda la socodsiinayaan dawlada Canada.

SDN-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed