Wada Hadaladii Labada Gudi ee Golaha Wakiilada iyo Suluxa ay Wadaan Nooca uu Yahay (DHAGAYSO}
Hargaysa 12.Feb 2014 (SDN)- Golaha wakiilada JSL oo gudo galay xallinta khilaafaadkii u dhexeeyey ayaa iska soo magacaabay gudiyo labada dhinac ah, kuwaasoo tiradoodu gaadhayso 14 xubnood.
Xubnaha gudidan oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii ka bacdi waxay ka warbixiyeen wadahadaladii ay maanta yeesheen iyo ujeedooyinka laga leeyahay oo ah in meesha lagaga saaro khilaafaadkii mudooyinkii dambe mashquuliyey hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee Golaha.
Labada gudoomiye ee labada dhinac oo kala ah Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan saleebaan Cali koore ayaa si wadajir ah warfidiyeenada ugu sheegay inay maanta iyagu wada hadlayeen, si wanaagsana ay hawlahoodii u socdaan, rajo wacana ka qabaan inay guul ka gaadhaan wadahadalada soona ceshadaan karaamadii iyo sharaftii goluhu lahaa, iyagoo xusay inay muddo soo wada shaqaynayeen isfahamkooduna fiican yahay.
Labada xildhibaan waxay sheegeen inay muddo kooban ku soo gebagebayn doonaan xalinta khilaafaadkii ku soo kordhay golaha dhexdiisa isla markaana waxii natiijo iyo go’aan ah u gudbin doonaan golaha Guurtida Somaliland.
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Hadaladii Xildhibaan Caalin iyo Koore
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dhexdhexaadin12.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com