Ciidamada Qaranka ee Somaliland oo Maanta Hawl gal ka Sameeyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sool iyo Maleeshiyaad baxsaday
Laascaanood 12.Feb 2014 (SDN)- Ciidanka Qaranka eek u sugan jiidda hore ee gobolka Sool,ayaa maanta sameeyay hawl gal ay ku sugayaan xuduudka dhanka koonfur kaga began gobolka Sool ee deegaanka gobolka Sool iyo Buuhoodle.
Hawl galka Ciidanka Qaranku maanta sameeyaeen ayay ku gaadheen deegaan aad u laka fog oo ugu yaraan u jira sagaashan KM.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo jiidda hore ee ciidanka ee gobolka Sool waxay hawl galka ay sameeyeen ku tageen deegaannada Kalabaydh, Saaxdheer,daba tag,hawl galka ciidanka Qaranku maanta sameeyay ayay ku tageen jiido badan oo koonfurta Laascaanood ah isla markaana ay hore ugu sugnaayeen malleeshoyo ka mid ah kooxda Khaatumo kuwaasoo markii dambe u firxaday magaalada Taleex.
Ciidanka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay oo degay isla markaana degay deegaanka loo yaqaanno kal- baydh halkaasoo hore aan ugu jirin deegaannada ay ciidanka Qaranku gacanta ku hayaan.
Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa maalmihii u dambeeyay ku hawlannaa sidii ay u hantiyi lahaayeen dhamaan dhulka Somaliland eek u teedsan Xudduudka.
Waxaanay ka hor tageen Ciidanka Qaranka Somaliland inay wax faro galin ah ku sameeyaan dhulka Somaliland Maamulka Puntland
Faysal Afgaab
Laascanood Somaliland