Bilowga Ololaha aan dhamaan ee Cidhib tirka Dabaysha oo Mar kale Hargaysa lagaga Dhawaaqay
Hargaysa 12.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee JSL Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay bilowga maalmaha caafimaadka caruurta oo 14-ka bishan si rasmi ah uga bilaabanaya guud ahaan JSL.
Xaflad lagu shaacinayey ololahan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qayb galay wasaaradaha Waxbarashada, diinta, wasiir ku xigeenada wasaaradaha warfaafinta iyo qoyska.
Md Abiib Aadan Nuur agaasimaha caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey xidhmooyinka caafimaad ee uu ka kooban yahay ololahan caafimaad.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta sh Khaliil Cabdilaahi Axmed, iyo madaxda xafiisyada WHO iyo UNICEF ee Somaliland oo munaasabadaasi hadalo ka jeediyey ayaa si weyn ugu bogaadiyey wasaaradda caafimaadka doorkeeda ku aaddan caafimaadka bulshada iyo feejignaanta dheeraadka ah ee ay u hayaan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Marwo ZamZam Cabdi Aadan oo ka mid ahayd mas’uuliyiintii ka qayb galay munaasabadaasi ayaa ku guubaabisay bahda waxbarashada ee Gobolada iyo degmoioyinka dalka inay ka qayb qaataan ololaha maalmaha caafimaadka caruurta.
Dhankiisana wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Saleebaan Ciise axmed xaglo toosiye oo ka hadlayey kulanka lagu shaacinayey maalmaha caafimaadka caruurta ayaa ugu baaqay waalidiinta iyo shaqaalaha caafimaadka inay uga faa’iideeyaan ubadka ololahan oo ka kooban talaalo kala duwan, baraarujin caafimaad, cabirka nafaqada, naas nuujinta, gooryaanada iyo xidhmooyin caafimaad oo kala duwan.
Wejiga koobaad ee ololaha maalmaha caafimaadka caruurta ayaa si rasmi ah 14-ka bishan uga bilaaban doona guud ahaan dalka, halka sidoo kalena uu wejigiisa labaad ka dambayn doono muddo kooban.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com