|

Obama oo Garanwaayay si uu u soo dhaweeyo Madaxweynaha Faransiiska oo aan Xaas la socon

Washington Feb 12,2014(SDN)-Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa haatan gudo galay safarkiisii u horeeyay ee uu Mareykanka ku yimaado,Madaxweynaha ayaaney xaas ku wehelin safarkiisa ka dib kolkii uu bil ka hor furay xaaskiisii.

Madaxweyne Hollande ayaa ah madaxweynihii u horeeyay ee booqasho rasmi ah ku taga dalka Mareykanka 20kii sanadood ee ina dhaafay.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo aan hore u soo dhaweyn madaxweyne aan xaas laheyn ayaa caqabad kala kulmay sidii loogu diyaargaroobi lahaa Mr Hollande.

Aqalka Cad ayaa Casho sharaf uu u qabtay madaxweynaha Faransiiska ay noqotay in dib u habeyn lagu sameeyo kuraasida cashada.

Sidoo kale waxa isbedel weyni ka muuqday sawirada ay madaxdu galeyso oo inta badani ay ku jiraan labada xaas ee madaxweyneyaasha.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Faransiiska ayaa rajeynaya in safarkan Mareykanka uu kor u qaado kalsoonida shacabka Faransiisku ku qabaan xukuumadiisa.

Xukuumada Faransiiska ayaa kalsoonidii shacabku ku qabeen hoos u dhacday ka dib kolkii ay dhaqaalaha dalkaasi hoos u dhac soo wejahay.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed