Minneapolis oo horumarinta Fanka Soomaalida loogu deeqay Aduun dhan $200,000
Minneapolis Feb 12,2014(SDN)-Magaalada Minneapolis ee gobolka Minesota ee dalka Mareykanka ayaa hayadi shaacisay horumarinta Fanka Soomaalida.
Doris Duke Foundation oo kobcisa farshaxanka Islamka ayaa siisay Xarunta Dhaqanka iyo Augsburg College Aduun dhan $200,000 si ay u horumariso fanka Soomaaliyeed khaasatan Musiga.
Hay’ada iyo Jaamacada ayaa keeni doona magaalada Minneapolis Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Caanka si halkaa ay ugu soo bandhigaan heesaha Soomaalida.
Ujjeedada Mashruucan ayaa ah in la soo bandhigo dhaqanka umaddaha Islamka iyada oo loo marayo fanka.
Barnaamijka ayaa xiriirin doona Fanaaniinta Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda ku kala nool iyo kuwa ku nool Minneapolis iyada oo ay ardeyda Jaamacada Augsburgna ay ka qeyb qaadan doonaan.
Barnaamijkan faaiidada labaad ee uu leeyahayna waa in ay dib isugu keeni doono Fanaaniin aan mudo is arag sida waxa yiri Adrienne Dorn oo ah madaxa horumarinta xaafada Ceder ee magaaladaMinneapolis.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com