|

Khilaafkii Wasaaradda Warfaafinnta Oo Wali Taagan, Wasiir Cukuse Oo Xannibaad Saaray Mushaharkii Shaqaalaha Radio Hargeysa iyo Maareeye Gaas Oo Meehanaabaya Madaxtooyada

 

Hargeysa:12-Feb-2014(SDN)-Khilaafkii Ka Dhex  Aloosnaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Agaasimaha Tv-Da Dawladda Khadar Cali Gaas, ayaa Gaadhay Heer uu saamayn Ballaadhan ku Yeesho Shaqaalaha ka Shaqeeya Wasaaradda Warfaafinta.

gaas iyo cukuseWasiir Cukuse oo hore Xayiraad u saaray Miisaaniyada Telefishanka Qaranka si uu Awooddiisa uga Dhex Muujiyo Goobta, ayaa Haatanna Mar kale SaxeexiWaayey Mushaharkii Shaqaalaha Idaacadda Radio Hargeysa ay qaadan Lahaayeen Bishan Haatan 12-Ka ah.

Wasiirka ayaa la Sheegay inuu Diiday in Mushaharka la Siiyo Shaqaalaha Radio Hargeysa, waxana uu ku Andacooday inay la mid yihiin kuwa Telefishanka qaranka,  maadaama uu aaminsan yahay inuu Labada Xarumoodba isagu Madax u yahay.

Agaasimaha TV-ga Qaranka Khadar Cali Gaas oo isagu Garab weyn iyo Taageero ka Haysta Haweenka Awoodda Badan ee Madaxtooyada Dhex Jooga ayaa ka Soo Hor Jeestay Amarka Wasiirka, waxana uu Xusay inaanu hoos Tegin Wasiirka oo uu u madax Bannaan yahay Hawlaha uu qabanayo ee La Xidhiidha TV-ga oo uu wasiirkuna ka Biyo Diidsan yahay.

Wasiir Cukuse ayaa isagu Si Toos ah ugu sheegay shaqaalah Idaacadda Radio Hargeysa inaanu Wax Mushahar ah u Ogolayn ilaa iyo Inta Arrinta Tv-ga Lagu Kala Baxayo, waxana uu shaqaalah ka Codsaday inay Intaas u Samraan oo Garab ku Siiyaan Dagaalka uu ku Jiro sida ay Sheegayaan ilo ku Dhaw Wasaaraddu.

Sidoo kale wasiir Cukuse  oo waxa laga Weydiiyey Sababta ay Shaqaaluhu ilaa Xilligan u  Mushahar la’ yihiin, ayaa ku Andacooday in Haddii ay kaligood mushaharka qaatan xilli kuwa Tv-gu aanay Waxba qaadan loo Turjuman karo inuu Kaliya Maamulo Radio Hargeysa oo aanu Tv-ga Maamulin isaguna uu Taas diidan yahay.

Maareeyaha Ayaa isagu Intii uu Madaxweynuhu soo Noqday Shirar Kala Duwan la Lahaa Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirka Waxbarashada oo ah Labada Haween ee Ku Haya Wasaaradda Warfaafinta, waxana uu wali Sugayaa Jawaabta ay Ka Keenaan Cabashada uu u Gudbiyey.

Wasiir Cukuse oo isagu Taageero weyn iyo Kalsooniba ka Haysta Madaxweyne Siilaanyo ayaa  Ballaadhiyey Khilaafka, waxana uu Gaadhsiiyey Heer uu Boqolaal Shaqaale ah oo Radio Hargeysa ka Shaqaynayey uu Mushaharkoodii Cirka ku Laalo.

Lama Garan Karo Go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ka Qaadan Doono Arrintan soo Noqnoqotay, waxase La Hubaa inuu Sidii Horeba u dhacday ku Dhiirran waayo inuu Runta u sheego cidda Khaldan oo uu kaliya ku Waaniyo Masuuliyiintan aan is Ogolayn inay Wada Shaqeeyaan.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

Comments are closed